Ciidamada DF ‘oo duulaan weyn ku qaadaya’ Ceelbuur

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay howl-galo balaadhan oo markii u horeysay lagu xoreyn doono degmada Ceel-buur oo gacanta ku hayaan dagaal-yahanada Shabaabka.

Ciidamada xooga dalka gaar ahaan qeybtooda degaanada maamulka Galmudug ayaa fulin doona howl-galadan, waxaana la diyaariyay tiro kale oo ciidamo ah oo dhawaan la qalabeyn sida uu sheegay Taliyaha qaybta 21-aad ee Ciidanka Xooga.

Taliyaha oo Xerada tababarka Har-qaboobe ku booqdey Ciidamo tababar dhameystay oo dhawaan la qalabeyn doono ayaa waxa uu sheegay inay ciidamadaas ay qeyb ka noqon doonaan howl-galada lagu xoreynayo Ceel-buur.

Waxaa uu xusay Taliyaha in dadka shacabka ah looga baahan yahay diyaar garow, maadama ay dhankooda diyaariyeen ciidankii qaadi lahaa howl-galka xoreynta, islamarkaana xuquuqdooda loo dhameystiri doona ciidanka cusub ee dhawaan kusoo biiray ciidanka lana tababaray si loo xoojiyo howl-gallada Shabaabka.

Arrintaan ayaa imaneysa xili uu shalay Wasiirka Amniga Galmudug ku dhawaaqay howl-galo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaasi oo gacanta ku haya deegaano ka tirsan maaamulkaas.