Britain oo cuna-qabateyn saareysa Somaliland, una diiday shirka London

Hargeysa (Caasimada Online) – Britain ayaa ay suurto-gal tahay inay cuna-qabateyn saarto maamulka Somaliland, sababo la xiriira dib u dhacyada doorashooyinka maamulkaas, warbixino ayaa sidaas sheegay.

Wargeyska Africa Intelligence ayaa sheegay in safiir ku xigeenka Britain ee Somalia, Andre Allen uu 27-kii Maarso Hargeysa tagay, kadib markii uu casuumad ka helay xisbiga mucaaradka ee Wadani.

Inkasta oo uu diiday inuu ka hadlo cuna-qabateynta laga yaabo inay saaraan dowladda Siilaanyo, haddana Andrew Allen ma qarin sida dowladda Britain aysan ula dhacsaneyn hab dhaqanka xukuumadda Hargeysa.

Wada-hadal uu la yeeshay wasiirka arrimaha dibedda Sacad Cali Shire iyo Siilaanyo, waxa uu caddeeyey sida Britain ay uga soo horjeedo dib u dhigista lagu sameeyey doorashooyinkii Somaliland.

Waxa uu sidoo kale ku war-geliyey Somaliland inaan lagu casuumi doonin inay ka qeyb-gasho shirka London ee arrimaha Soomaaliya, oo 11-ka May dhacaya.

Sillaanyo ayaa ugu jawaabay Andrew in beesha caalamka mar walba Somaliland ku cadaadiso inay sameyso waxa ay doonaan, haddana aysan marnaba sameyn ballan-qaad la xiriira inay aqoonsanayaan madax banaanida Somaliland.

Mas’uuliyiin Somaliland ah ayaa sheegay in xukuumadda Siilaanyo ka fakareyso inay shir carqalad ku ah kan London ku qabato magaalada Edinburgh ee caasimadda Scotland, kuna beegeyso 11-ka May.

Somaliland ayaa ku dooday in dib u dhaca doorashada ay ugu wacan tahay abaaraha ka jira qeybo ka mid ah Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com