Sawirro: Sidee ayey u dhacday Xil wareejinta Gaafow iyo Sambaloolshe

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay Taliyaha cusub ee Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Sanbaloolshe, ayaa xilka kala wareegay Taliyihii hore Jen. C/llaahi Gaafow oo muddo kooban hayay xilka Hay’adda Sirdoonka Somalia.

Munaasabad uu xilka kula wareegayay Taliyaha cusub ee Hey’adda Sirdoonka, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin dhowr ah oo ay kamid ahaayen Ra’iisul wasaare kuxigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow Ducaale, kuxigeenkiisa iyo Saraakiisha NISA.

Gaafow ayaa Taliyaha ku wareejiyay Dukumiinti dhowr ah oo ay ku qoran yihiin dhammaan shaqooyinka Hay’adda iyo Ajandaha Hay’adda sanadkaani.

Gaafow ayaa Taliyaha cusub ugu baaqay inuu ka dhabeeyo ujeedka loo magacaabay waxa uuna sheegay in howlaha Hay’adda ay tahay mid aan faro ka qodneyn.

Sidoo kale Taliyaha cusub ayaa sheegay in kor u qaadis iyo horumarin ku sameyn doono howsha qaranka, isagoo balan qaaday inuu la imaan doono tallaabooyin cad cad oo wax looga qabanayo Ammaanka.

Mas’uuliyiinta ka qeybgashay munaasabada xil wareejinta ayaa Taliyaha cusub ugu baaqay inuu la imaado qorsho lagu xasilinaayo magaalada Muqdisho oo ay ka dhacaan dilal joogta ah.