Sawirro: Muxuu Kheyre ku soo arkay xarunta Bankiga Dhexe ee Somalia?

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa maanta booqday Xarunta Bankiga Dhexe ee dowlada Somalia.

Ra’isul wasaaraha ayaa mudada uu ku sugnaa Xarunta u kuurgalay sida uu u shaqeeyo Bankiga Dhexe, waxa uuna galay dhammaan Xafiisyada uu ka kooban yahay Bankiga.

Ra’isul wasaaraha waxa uu xog wareystay howlwadeenada ka howlgala waaxyaha kala duwan ee Bankiga Dhexe.

Intaa kadib Ra’isul wasaaraha ayaa kulan khaasa la qaatay Guddoomiye ku-xigeenka Bankiga Dhexa, waxa uuna ka dhageystay warbixino ku saabsan shaqada Bankiga Dhexe.

Waxyaabaha uu ka wareystay ayaa waxaa kamid ahaa qaababka ay u bixiyaan Mushaaraadka shaqaalaha dowlada, waxa uuna su’aal ka weydiyay dhowrka bil ee laga qaaday xuquuqda shaqaalaha iyo inay la socdaan bixinta lacagaha.

Kormeerka kadiska ah ee Ra’isul wasaaruhu ku tegay Bankiga Dhexe ee dalka ayaa qayb ka ahaa qorshaha isla xisaabtanka ee uu horay ugu dhawaaqay Ra’isul Wasaaraha.