Sawirro: Maxaad kala socotaa ujeedada Qadar ay wafti ugu soo dirtay Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Somalia Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Dowladda Qadar.

Wafdigaani ayaa waxaa hogaaminaayay Sheekh Xamed Bin Fahad Al Thani oo kamid ah qoyska boqortooyada Qadar.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa waxaa dhanka dowlada ku wehlinaayay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed, waxa ayna kawada hadleen arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin Xiriirka iyo Abaaraha ka jira Somalia.

Ra’isul wasaare Kheyre iyo Wasiir Maryan Qaasim ayaa wafdiga warbixin kasiiyay heerka ay mareyso abaarta ka taagan Somalia, gaar ahaan Gobolada dalka.

Intaa kadib Ra’isul wasaaraha ayaa ka dalbaday in ay laba labaan howlaha gurmadka abaaraha isla markaana ay dowladdu dhiiri gelinayso cid kasta oo ka qayb qaadanaysa gurmadka abaaraha.

Kheyre waxa uu sidoo kale wafdiga ku wargaliyay in dowlada Somalia ilaa xad ay dabooshay abaarta balse ay wali jiraan deegaano aan raxmada alle gaarin isla markaana u baahan in loo gurmado.

Sheekh Xamed Bin Fahad Al Thani oo kamid ah qoyska boqortooyada Qadar isla markaana hogaaminaaya wafdiga ayaa dhankiisa ka sheegay inay ka qeybqaadan doonaan gurmadka abaaraha.