Xog: Farmaajo oo 3 arrin dartood u gaaraya dalka Imaaraadka Carabta

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu ku wajahan yahay dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in dalka Imaaraadka uu u ambabaxo maalinta beri ah oo ku beegan Axada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la xaqiijiyay in dalka Imaaraadka uu u gaari doono 3 arrin oo kala ah:

1- In dowlada Imaaraadka uu kala xaajoodo Heshiiska Saldhiga Berbera.

2-Heshiiska u dhexmaray Puntland iyo Imaaraadka ee lagu wareejinaayo Dekadda Boosaaso.

3-In dowlada Imaaraadka ay joojiso xadgudubyada ay ku heyso DFS, isla markaana la sameeyo sharciyo kala xadeynaaya labada dal.

Madaxweynaha Somalia ayaa waxaa magaalada Abu Dabai uga sii hormaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Yuusuf Garaad Cumar iyo Balal Cusmaan oo kamid ah La-taliyayaasha Madaxweynaha.

Sidoo kale, booqashada Madaxweyne Farmaajo ee magaalada Abu Dabai ayaa noqon doona kii u horeysay tan iyo markii la doorto.

Si kastaba ha ahaatee, dowladaha Somalia iyo Imaaraadka ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa ka dhex jiray xiisad diblomaasiyadeed oo ka dhalatay Saldhiga Imaaraadka ee magaalada Berbera.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com