Taliyaha saldhiga Xamar-weyne oo jawaab ka bixiyay ficilka wasiirka amniga

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Wasiirka Amniga uu shaqo ka fadhiisin ku sameeyay Taliyaha Saldhiga Xamar-weyne ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Taliyaha shaqada laga fadhiisiyay.

G/dhaxe Cabdulqaadir Axmad Shire, oo ah Taliyaha Saldhiga Degmada Xamar-weyne, ayaa sheegay in Wasiirka Amniga uusan xilka ka qaadi karin.

Taliyaha ayaa tilmaamay in Wasiirka Amniga uusan xaq u laheyn inuu shaqada ka fadhiisiyo, waxa uuna go’aankaasi ku sheegay mid aan sharci aheyn.

”Wasiirka Amniga sida uu howsha moodo maaha awood uma laha inuu iga fadhiisiyo shaqada waxaa looga baahan yahay in marka hore uu soo maro boroseeska loo maro shaqo ka fadhiisinta”

Taliyaha shaqada laga fadhiisiyay ayaa sidoo kale sheegay in xilka uu ka qaadi karo keliya Taliyaha Ciidanka Booliiiska.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa Wasiirka amniga Gudaha Ducaale ugu baaqay in marka hore uu wax kabarto sharciyada ciidamada, waxa uuna ka digay inuu ka fogaado waxyaabaha banaanka soo dhigi kara aqoon yaridiisa dhanka Ciidanka.

Dhinaca kale, Wasiirka amniga ayaa kormeer aan la shaacin ku gaarayay xirooyinka Ciidamada Booliska.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com