Qunsuliyada Somalia ee Pakistan oo la dhacay iyo sir badan oo lagala baxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysnaa ayaa dhacay Xarunta Qunsuliyada Somalia ee magaalada Karachi ee dalka Pakistan.

Kooxdaani ayaa la sheegay inay ka koobnaayen ku dhawaad 6 kuwaa oo gudaha u galay Xarunta Qunsuliyada isla markaana kala baxay Kumbiyuutarada ay ku jiraan Sirta dowlada iyo Magcyada Soomaalida dalkaasi ku nool.

Kooxdaani ayaa sidoo kale xarunta kala baxay Taleefanno iyo lacago kaash ah oo keyd u ahaa Qunsuliyada.

Kooxdaani ayaa dhaca kadib Jir dil xoogan u geystay labo kamid ahaa Ilaalada Xarunta Qunsuliyada kuwaa oo ujeedka loo jir dilay lagu sheegay inaanu muuqaal aqoonsan Kooxda.

Mas’uul ka tirsan Qunsuliyada ayaa sheegay in Kooxdaani gudaha Xarunta ay ku sugnaayen ku dhawaad 4 Saac oo xiriir ah.

Dhinaca kale, Qunsuliyada Soomaalia ee magaalada Karachi ee dalka Pakistaan ayaa la furay 16kii Bishii march ee sanadkaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com