25.1 C
Mogadishu
Friday, July 4, 2025

Yaab: Xildhibaan ka tirsan baarlamanka Jubbaland oo laga masaafuriyay Kismaayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimadda Online) – Sida wararka aan ku heleyno Xildhibaan Cali Maxamed Guure, oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Jubbaland ayaa maanta laga soo Masaafuriyay magaalada Kismaayo.

Xildhibaanka ayaa la sheegayaa inuu Mooshin ka waday Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Jubbaland , sidaasina lagu soo masaafuriyay.

Waa markii ugu horeeyay oo mudane ka tirsan Baarlamaanka maamulka Jubbaland laga masaafuriyo magaalada Kismaayo oo xarun Kumeel gaar u ah maamulka Jubbaland .

Qaar ka tirsan xildhibaanada Jubblanad oo lasoo xiriiray Caasimadda Online ayaa arintaas ku tilmaamay inay tahay mid aan waafaqsaneyn sharciga, waxayna ugu baaqeyn Axmed Madoobe inuu arrinta wax ka badalo.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhawan kala fadhiga Baarlamaanka ka furay Magaalada Kismaayo, waxaana xilligaas dhacday inay buuq sameeyeen qaar ka tirsan Xildhibaanada Jubbaland oo ku kacsan Madaxweynaha.

Wixii warar ah ee arrintaas kusoo kororto waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.

- Advertisement -

Read more

Local News