Britain oo saldhig milatari ka sameysaneysa gacanka

Mascat (Caasimada Online) – Ciidamada Britain waxa ay saldhig ka dhigan doonaan xarun cusub oo tababar taas oo ku taal dalka Cumaan bisha Maarso si ay u xoojiso joogitaanka militariga UK ee deegaankaas istaraatijiga ah.

“Saldhigga waxa uu u adeegi doonaa jiilalka soo socda,” waxaa sidaas yiri xogyaha difaaca ee Britain.

Xoghaye Gavin Wiliamson waxa uu sheegay in ay muhiim ahayd muujinta sawir xasilloon oo gobolkaas ah. “Ma jirin mar ay ka muhiimsan tahay tani xilli ay dowladaha waxyeelada geesta iyo ururada xagjirada ah doonayaan in ay fashiliyaan ama jabiyaan kala dambeynta ku qotoma sharciga ee aan ku tiirsannahay,” ayuu ku sheegay warbixin isniintii.

Cumaan iyo Iran waxa ay xukumaan meelaha ugu muhiimsan aduunka ee shidaalka, sida marin biyoodka Hormuz, taas kaas oo ah meel 40% ganacsiga caalamiga ah ee shidaalka maro.

Iran waxa ay si xiriir ah ugu hanjabtay in ay xireyso marin biyoodka hadii shidaalkeeda loo diiyo suuqa aduunka. Ku dhawaaqista tallaabadan ee Britain waxa ay imaaneysaa xilli Mareykanka uu cunaqabaynno ku soo rogay tamarta Iran iyo shikadeheeda Maraakiibta.

Militariga Britan waxa ay hore uga soo bexeen wadamada gacanka 1971 laakiin waxa ay joogitooda gobolka xoojinayeen sanadihii ugu dambeeyey. Bishii April waxa ay Baxreyn ka fureen xaruntooda ugu horreysay ee bariga kanaalka Suez tan iyo markii ay ka bexeen kaddib.

Caasimada Online
Xafiiska Abu Dhabi
Caasimada@live.com