SOMALILAND: Xisaabiyaha guud oo soo minguuriyey midka dowladda Somalia

Hargeysa (Caasimada Online) – Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Somaliland Axmed Daauud Geeddi ayaa wuxu si toos ah u soo dheegtay warqad uu qoray xisaabiyaha guud ee qaranka ee Soomaliya taas oo uu ku socodsiinayo Wasiirka Horumarinta Maaliyadda ee Somaliland Mudane Yuusuf Maxamed Cabdi.

Warqaddan uu xisaabiyuhu soo qoray ayaa waxay ka danbeysay ka dib markii uu wasiirka horumarinta maaliyadda mudane Yuusuf Maxamed Cabdi uu wax ka bedel ku sameeyay shaqaalaha ka hawl gala xafiiska xisaabaadka qaranka, isaga oo uu xisaabiyuhu sheegay in aanay Xisaabaadka Qaranku ka mid ahayn wasaaradda maaliyadda iyada oo laga wada war hayo in uu xisaabaadku ka tirsanaa wasaaradda maaliyadda tan iyo intii dalka lagu soo noqday.

Xisaabiyaha guud ee qaranka ee Somaliland ayaa waxa uu u dooday si la mid ah sidii uu xisaabiyaha guud ee Soomaaliya ula doodday wasiirkiisa maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Dhinaca kale, xisaabiyaha guud ee qaranka ee Somaliland Axmed Daauud Geeddi ayaa waxa ay u egtahay in uu kaga dayanayo xisaabiyaha qaranka Somalia dagaalka ay ku hayso wasiirkiisa maaliyadda ee Soomaaliya taas oo wax u dhimaysa wada shaqaynta Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo wasaaradaha kale, sida ay sheegeen dadka arrintan dhaliila, maadaama oo ay xisaabaadka qaranku u qaabilsantahay qaranka lacag-sii-daynta taas oo ay ka dhalatay in aanay wasaarado badan ku adkaato in loo sii daayo lacagihii ay ku fulin lahaayeen hawlaha shaqo ee u yaalla.

Marka laga yimaaddo caqabadaha kala duwan ee uu xisaabiyaha guud ee qaranku ku hayo wasaaradaha Somaliland ee dhinaca lacag sii daynta, hadana, warqadda uu ka soo dheegtay xisaabiyaha guud ee Soomaaliya waxay hoos u dhigaysaa doodda Somaliland ee ah inay tahay qaran, madax-banaan.

Isku eeg labada warqad, midda kowoaad waa tan xisaabiyaha guud ee Soomaaliya, tan labaadna waa Somaliland

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com