GUDDIGA dib u eegista dastuurka oo shaqadii u joojiyey 2 arrin dartood

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaafka Dowlada Federaalka iyo Maamul goboleedyada ayaa saameeyay gudiga dib u eegista Dastuurka oo shaqooyin badan ka qabtay qabyo tirka Dastuurka Dalka.

Senetor Xuseen Sheikh Maxamuud, Xoghayaha guddiga dib u eegista Dastuurka ayaa ka hadlay labo arin oo saameyn ku yeelatay howlaha dib u eegista dastuurka oo haatan taagan una baahan in xal laga gaaro.

Xoghayaha ayaa sheegay in khilaafka dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada uu saameeyay qabyo tirka Dastuurka iyo sixitaanka qodobada qaar oo la doonayay in la tashiyo laga geliyo dowlad goboleedyada.

Sidoo kale wuxuu arinta labaad ku sheegay kala aragti duwanaanshaha xukuumadda iyo xubnaha labada guddi oo uu sheegay inaysan isku aragti ka aheyn hanaanka ay shaqada u socoto.

“Labo arin dartood la tashadiyii waan hakinay, Waxaana u sabab ah khilaafka dowladda iyo dowlad goboleedyada, sidoo kale waxaa na saameeyay in labada guddi iyo xukuumada aysan isku aragti ka aheyn hanaanka wax loo wado”ayuu yiri.

Xoghayaha guddiga dib u eegista Dastuurka ayaa sheegay in hadda aysan socon wax shaqo ah oo la xiriirta dib u eegista Dastuurka, taasi oo saameyn ku leh doorashada soo socota ee dalka ka dhaceyso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com