Mareykanka iyo Israel oo ka cabsanaya in Bin Salmaan uga baxo qorshahooda

Washington (Caasimada Online) – Madaxda Mareykanka iyo Israel ayaa wallaac ka muujiyey dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, oo ay u arkaan in uusan xorriyad buuxda u heli doonin dhisidda xiriirka Israel iyo Carabta dariska la ah, kaddib dilkii wariye Jamaal Khaashuqji, sidaas waxaa warisay Washington Post.

Ergeyga Bariga dhexe ee Donald Trump, ahna wiilka uu sodoga u yahay, Jared Khushner, waxa uu diblomaasiyiin iyo dad kale kala hadlay sida go’aanka dhaxal sugaha u saameyn karo qorshayaasha Mareykanka.

Majaladdu waxa ay tiri: “Israel waxa ay noqotay mid ka hadasha sidii loo kala qaadi lahaa dilka iyo qayimka istaraatijiyadeed iyo boqortooyada.”

“Wixii ka dhacay Qunsuliyadda Istanbul waa waxa aad u xun waana in lala tacaalo,” waxaa sidaas Jimcihii yiri Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.

“Hadana waxaan leeyahay waxa ay aad u muhiim u tahay xasilloonida aduunka, gobolka iyo aduunka, in Sucuudigu xasilooni aahaado.”

“Ma aha in ficilada ceynkaas ah aynu ogolaanno in aan laga jawaabin,” Safiirka Israel u fadhiya Mareykanka, Ron Dermer ayaa u sheegay sidaas dadweyne uu la hadlayey toddobaadkii hore, isaga oo ula jeeday dilkii Khaashuqji. “Laakiin waa in aan sidoo kale taxadar u laahanno in aynaan lumin xiriir leh qayim istaraatijiyadeed.”

“Waxaan qabaa in maamulka marka ay ogaadaan xaqiiqada in ay go’aan qaadan doonaan, sida ay marka hore u caddeeyaan in ficilkaas yahay mid aan la aqbali karin, laakiin sidoo kale ma aha in ay dhaxal sugaha biyaha ku tuuraan, sidaas aan u dhigno,” ayuu ku daray.

Sida uu jaraa’idka wariyey, Bin Salmaan, waxa uu ahaa hormuudka si taxadar leh balse halis ah ugu fur furnaa xiriirka aan laga hadlin ee u dhexeeya Israel iyo Sucuudiga,” waxa uu intaas ku daray in mas’uuliyiinta Mareykanka ay “Rejeynayeen in uu noqon doono udub dhexaadka xiriir cusub oo dhexmara Israel iyo iyo Carabta, taas oo caawin doonta siyaasadda nabadda ee Trump.”

“Aragtida Israel waxa weeye in Maxamed Bin Salmaan aad ugu wanaagsan yahay ujeedooyinkooda”, waxaa sidaas Washington Post u sheegay mas’uul ka tirsan dowladda Sacuudiga. Sidoo kale, sarkaal ka tirsan dowladda Israel waxa uu yiri in “Sucuudiga ay hadda ciyaarayaan doorkooda maadama ay ogolaadeen xiriir diblomaasiyadeed oo yar balse dhiirigalin ah bilooyinkii la soo dhaafay.”

Sida laga soo xiganayo saraakiisha Israel, Sacuudi Carabiya waxa ay ishaaro u dirtay Cumaan, Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn, kuwaas oo diidayey hagaajinta xiriirka diblomaasiyeed ee Israel.

“Isbdelka maskaxeed ee gudaha Sucuudiga, anaga sida ay nala tahay, waxa ay wax badan u tiirineysaa Maxamed Bin salmaan. Waxa uu fur furnaan badan u furay albaabka iyo xiriir rasmi ah oo dhexmara wadamada gobolka.”

Diblomaasi ajinabi ah oo ay soo xigatay Majaladda  ayaa sheegay xilli Salmaan loo aaneenayo in uu yahay furaha sida maamulka Trump ula dhaqmayo gobolka, “Bin Salman ma sameyn doonin fur furidda baaxadda leh ee laga filayey hadda kahor, hadda, madaxda Mareykanka waxa ay go’aan ka gaarayaan waxa xiga ee ay yeeli lahaayeen.”

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com