Fargeeti oo iska lkeexiyey kiisa fadeexadda NISA ay furtay ee qandaraasyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyadda xukuumadda SoomaaliyaMaxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti) ayaa sheegay in qandaraaska hore loo bixiyey ee uu ka hadlay wasiirkii hore ee Amniga Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed uu ahaa mid hab sax ah loo maray, haddii ay cillado kusoo baxeena ay yihiin kuwo isaga ku cusub.

Hay’adda NISA ayaa sheegtay dhowaan inay hakisay qandaraaska oo uu bixiyey wasiirkii hore ee Amniga Cabdirisaaq Cumar Maxamed, kaasi oo isna sheegay in wasaaradda maaliyadda ay lahayd heshiiska.

FargeetiWaxa uu sheegay in Qandaraaska horay loo bixiyey ee quseeyey wasaaradda Amnigu uu ahaa mid sax ah oo loo maray habraac sax ah inta uu ogyahay, waxa uu intaas raaciyeyin si sharci loo bixiyey qandaraaskaas islamarkaana loo tartamay oo loo shaaciyey shirkadana ku tartameen.

Waxa uu intaas raaciyey in Qandaraaskaas kaddib markii loo tartamay uu dib u eegay guddiga nidaamka dhaqaalaha qaranka lana marsiiyey xeerka iibka qaranka, balse waxa uu Fargeeti sheegay inuusan wax kaalin ah ku lahayn qandaraaskaas.

Sida uu sheegay Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti), Wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, waxaa saxiixay qandaraaska wasiirkii aminiga ee xukuumaddi madaxweyne Xasan Sheekh Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com