BRITAIN oo si kulul uga hadashay Khilaafka DF iyo madax goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka UK ee Arrimaha Afrika, Harriet Baldwin oo booqasho ku timid Somalia ayaa ay si kulul uga hadashay Khilaafka Siyaasadeedka u dhaxeeya Madaxda Qaranka Iyo kuwa maamul goboleedyada.

Harriet Baldwin, ayaa sheegtay in khilaafka labada dhinac uu yahay mid hoos u dhigaaya dadaalada lagu hormarin lahaa Somalia.

Harriet Baldwin, waxa ay tilmaantay inay aad uga xun tahay in Khilaaf ceynkaasi ah uu soo kala dhexgalo Madaxda Qaranka iyo maamulada, waxa ayna ka digtay in xal loo waayo khilaafka.

Harriet Baldwin, waxa ay sheegtay in Saddex Boqol oo sano kahor ay dhexdooda uu ka jira khilaaf, isla  markaana ay dooneyso inay la qeybsato khibrada ay u leedahaay marka loo eego dalkeeda iyo sida loo xaliyay, waxa ayna tilmaantay in adduunka ay ahmiyad gaara u leedahay midowga Somalia.

Harriet Baldwin, oo walaac ka muujisay Khilaafka ayaa ku talisay in wax walba iyo tabashooyinka jira lagu xaliyo miiska wadahadalka.

“Khilaaf waxa uu ku imaada si fudud waxaa aad u adkaata in xal loo helo khilaaf, walaaca aan ka muujineyno khilaafka bedelkiisa waxaanu dalbaneynaa in xal loo raadiyo”

Waxa ay Harriet Baldwin sheegtay inay ku baaqeyso in leysla fahmo khilaafka jira iyo xalkiisa isla markaana laga wada hadlo iyadoo dib loo eegayo maslaxada shacabka.

Sidoo kale, waxa ay bidhaamisay in khilaafyada ceynkaasi ah ay hakiyaan dhamaan shaqooyinka muhiimka ah, balse waxa ay qirtay in Madaxda dalka ay uga danbeyn doonaan arrimaha Somalia.

Dhinaca kale, Harriet Baldwin ayaa mar kale ku baaqday in xal loo helo walaaca ay ka qabaan khilaafka u dhexeeya dowlada iyo maamulada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com