Weerarada argagixiso ee Al-Qaacida iyo Daacish oo hoos u dhacay (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin laga diyaariyay weerarada argagixiso ee ka dhaca caalamka ayaa waxaa lagu muujiyay in hoos u dhac uu ku imaaday kadib markii la wiiqay awoodaha Kooxaha Argagixiso.

Warbixinta oo si wad jira ay usoo saaren Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in la wiiqay awoodaha Kooxaha argagixiso 3-dii sano ee la soo dhaafay.

Waxaa lagu sheegay warbixinta in weeraradii dhacay sanadii 2017kii ay 23% ka yaryihiin kuwii dhacay sanadkii ka horeeyay ee 2016kii.

Warbixin lagu qoray bogga Europeansting ayaa waxaa lagu sheegay in Sanadkii 2017 ay dhaceen 8,584 weerar oo heer caalami ah marka la bar bar dhigo sanadkii 2016ki oo ay dhaceen  11,150 oo weerar ah,waxa ayna dhimashada ka yartahay 7,000 oo qof.

Waxaa warbixinta lagu qeexay in weeraradaas ay ka kala dhaceen ilaa 100 dal oo kala duwan balse kuwooda ugu khasaaraha badnaa ayaa si gaara uga dhacay wadamada kala ah Ciraaq, Afghanistan, Hindiya, Pakistan iyo Philippines.

Shanta dal ee kor ku xusan isla markaana ay ka dhaceen weerarada ugu badan ayaa ah 59% weerarradii la fuliyay sanadii 2017kii.

Waxaa lagu sheegay warbixinta in dalalka ugu badan oo ay ka dhacday dhimashada ay kala yihiin; Afghanistan, Ciraaq, Nigeria, Somalia  iyo Syria.

Sidoo kale, warbixinta ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in weerarada ugu badan ay geysteen Xagjiriinta Daacish, hase yeeshee waxaa awoodooda lagu wiiqay dagaaladii adkaa ee ka dhacay Ciraaq iyo Syria.

Weerarada iyo khasaaraha ka dhashay dagaalada Daacish ayaa sanadkii 2017kii hoos u dhacay haddana waxaa jira dalal ay aad u kordheen weerarrada iyo dhimashadaba waxaana ka mid ah; Masar oo ay dhimashada korodhay 124%, Soomaaliya oo ah 100%, iyo Philippines oo ah 20%.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa leysku raacay in hoos u dhac weyn uu ku imaaday howlgalada argagixiso ee qalqal galiyay adduunka.