Barlamanka oo ku dhegan xafiiska Hanti dhowrka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka ayaa maanta waxaa ay kulan ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Tirada Xildhibaanada ee maanta soo xaadiray kulanka Golah shacabka ayaa waxaa ay gaarayeen 152 Mudane, Waxaana shir gudoomiynyay Gudoomiye Ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdala Cawad.

Ajendaha ayaa  maanta ahaa ka doodista Sharciga uu ku dhisanyahay Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka ee lambarkiisu yahay 34 ee soo baxay 14/04/1972, kaasoo  la doonayo in wax ka badal lagu sameeyo.

Wasiir ku xigeenka wasaarada maaliyada C/llaahi Sheekh Cali (Qaloocoow), Xisaabiyaha guud, Agaasimaha guud ee wasaarada maaliyada iyo xubno kale ayaa maanta goob joog ahaa Kulanka Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya

Xidlhibaanada Goobta  ka hadlay ayaa waxaa ka mid ah Sariido maxamed Cabdulla,  Guuled Ceydaruus Cigale iyo Maxamed Isxaaq Fanax, waxaa ay sheegeen in xafiiska Hanti dhowrka Qaranka uu xiligan isku dhex yaac uu ka dhex jiro, islamarkaana waxaa ay dalbadeen in Madax banaane loo helo Xafiiska Hanta Dhowrka Guud ee Qaranka.

Sidoo kale Wasiiru dowlaha Wasaarada Maaliyada Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa maanta kulanka Golaha shacabka ka hor   aqriyay hindise sharciyeedka wax ka badalka sharciga hanti dhawrka guud ee qaranka, islamarkaan waxaa uu sheegay wax walbo dhaliila ay ka badali doonaan.

Uga dambeyntii Gudoomiye Ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdala Cawad ayaa waxaa uu Gudi u saaray in dib u eegis lagu sameeyo shaqada Xafiiska Hanti dhowrka Qaranka, waxaana Gudigaasi uu yahay Gudiga Maaliyada ee Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com