ERDOĞAN oo markii ugu horreysay ka hadlay qoraa lagu la’yahay waddankiisa

Ankara (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa markii ugu horeysay ka hadlay qoraaga caanka ah ee Sacuudiga Jamal Kashoqgi ee lagu waayey Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istnabuul.

Madaxweynaha Turkiga oo saxaafadda la hadlay kadib khudbad uu ka jeediyey shir uu lahaa xisbigiisa AK Party ayuu sheegay inuu si shaqsi ah ula socdo kiiska maqnaanshaha Qoraaga Sacuudiga ah oo ay saaxiibo ahaayeen, isagoo intaas ku daray inuu aad uga xun yahay waxa dhacay iyo in dalkiisa Turkiga lagu waayo.

Madaxweyne Erdogan ayaa caddeeyay in wixii kasoo baxa baaritaanka socda ee Qoraaga la waayey ay u soo bandhigi doonaan caalamka wax kastoo ay noqoto natiijada, isagoo ka gaabsaday inuu ka hadlo faahfaahinta kiiskan oo qabsaday warbaahinta caalamka.

Wakaaladda Wararka Reuters ayaa shaacisay war ay ka soo xigatay Ilo mas’uuliyiinta Amniga dowladda Turkiga ka mida oo sheegay inay gaareen qiimeyn ah in qoraaga lagu dhex dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, kadibna meydkiisa laga saaray xarunta Qunsuliyadda.

Saraakiisha Amniga Turkiga ayaa laga soo xigtay in dilka Qoraaga oo ahaa nin ku kacsan nidaamka Boqortooyada Sacuudiga uu ahaa mid hore loo sii qorsheeyay.

Saraakiisha Amniga Turkiga ayaa sheegay in saraakiil Sacuudiyaan oo gaaraya 15 qof ay Qunsuliyadda tageen maalintaasi uu ballanta ku lahaa Qunsuliyadda, iyagoo isla maalintaasina ka dhoofay dalka Turkiga.

Illo wareedyada si rasmi ah uma shaacin sida ay u aaminsan yihiin inuu dilkaas u dhacay, Balse Qunsulka Sacuudiga u joogo Istanbul Mohammad al-Otaibi ayaa Sabtidii sheegay inay diyaar u yihiin inay Booliska Turkiga ka caawiyaan baaritaanka Khashoggi, wuxuuna meesha ka saaray inay iyada ku lug leedahay sababtii loo waayey.

Qunsulka Sacuudiga ayaa laga soo xigtay in Kaamerooyinka xarunta Qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbuul aysan shaqeynin oo aysan suuragal ahayn in la ogaado xilliga uu qoraaga galay ama ka baxay xaruntooda.

Caasimada Online
Xafiiska Ankara
Caasimada@live.com