Sawirro: Maxkamada Cabdi Iley oo maanta bilaabatay iyo caddeymo hub oo la hor-geeyey maxkamadda

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta mar kale kasoo hor muuqday maxkamada magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Maxkamada ayaa waxaa goordhow ka bilowday dhageysiga Kiiska loo heysto Cabdi Cumar oo dhawaan lagu soo oogay tacadiyo uu kula kacay dadka shacabka.

Maxkamada ay ka socto dhageysiga dacwada ayaa waxaa ku sugan Qareenada iyo qaar kamid ah qoysaska Ex Madaxweyne Cabdi Cumar, waxaana halkaa ka muuqda dukumiintiyo lagu diiwaan galiyay kiiska dacwadaha maxbuuska.

Dacwadda dhageysigeeda ay maanta bilaabatay ayaa horay u baaqatay muddo 14 cisha ah oo shalay ku ekeyd, waxaana la filayaa in maanta dacwada Cabdi Cumar looga gudbo dhageysiga eedeymaha.

Eedeysane Cabdi Cumar ayaa si gaara loogu heystaa kiisas la xiriira dil, xarig aan loo meel dayin, jir dil iyo ku takri fal awoodeed, balse waxa uu waxkama jiraan ka dhigay dhamaan eedeymahaasi.

Cabdi Cumar, waxa uu ku doodayaa in shaqsi ahaantiisa uusan ku tagri falin awooda maamulka, hase ahaatee wax waliba oo dhacay ay ku imaaden talaabooyin lagu ilaalinaayay degnaanshaha dhulka.

Ciidamada Koofi casta Ethiopia ayaa Cabdi Maxamuud Cumar kala soo baxay magaalada Jigjiga iyagoo u gudbiyay guri ku yiilay magaalada Addis Ababa 27-dii bishii Augosto.

Ma cadda halka ay maanta saldhigan doonto dacwada Cabdi Cumar oo u muuqaneysa mid marba marka xigta sii adkaaneysa waxaana xusid mudan in Maxkamada la horgeeyay Hub iyo Dukumiintiyo ku marqaati furaaya Cabdi Cumar.