Kulankii Mukhtaar Roobow iyo DF oo soo dhamaaday iyo is-fagarad lagu gaaray

Baydhabo (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegayo inuu soo dhamaaday kulankii u dhaxeeyey xubno ka socday Dowladda Soomaliya oo uu hoggaaminayey Taliyaha Nabadsugidda Qaranka Xuseen Cismaan xuseen (Calool Kuus) iyo Musharaxa u taagan xilka Maamulka Koonfur Galbeed Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Kulankaan oo soo bilowday Xalay isla markaasna bilowgiisii aan si fiican la iskula fahmin ayaa daqiiqado ka hor kusoo dhammaaday Magaalada Baydhabo.

Sida uu Caasimadda Online u xaqiijiyey mid kamid ah xogheynta Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, Dowladda iyo Musharaxa ayaa gaaray heshiis iyo isfagarad.

Kulanka oo lahaa qeybo kala duwan ayaa ugu dambeyntii waxaa lagu heshiyey inuu Roobow sii wato musharaxnimadiisa isla markaasna uu noqdo hoggaamiye hoos imaado Dowladda Dhexe kuna shaqeeyo amarada Dowladda  sida ay xogta hoose ku heshay Shabakadda Caasimadda Online.

Dowladda Soomaaliya ayaa Mukhtaar siisay raaligelin ku aadn warqaddii kasoo baxday Dowladda inkasto arrintaan aan la hubin.

Sidoo kale Dowladda Soomaaliya ayaa laga yaabaa inay soo saarto waraaq kale oo ay ku caddeyneyso inay ka laabatay go’aankii hore ee ahaa in Abuu Mansuur laga joojiyo musharaxnimadiisa.

Ilo ku dhow labada Dhinaca ayaa  xaqiijiyay in Hotelka uu Wafddiga degay ay gacanta ku hayaan ilaalada Mukhtaar Roobow,waxaana uu Mukhtaar u sheegay taageerayaashiisa in uusan dhib jirin sidaas darteedna ay nabad ku seexdaan.

Kulan ay xalay goor dambe yeesheen ayaa Mukhtaar loogu sheegay in aysan jirin waxa suuqa la geliyay ee ah in la xirayo.

Wafdigii Dowladda ka socday oo ay ku jireen qaar ka tirsan Xildhibaanada Koonfur Galbeed ku matalo Dowladda Dhexe ayaa la filayaa inay saacadaha soo socdo kasoo duulaan Magaalada Baydhabo maadaama uu soo dhammaaday kulankii labada dhinac u dhaxeeyey.

Dhanka kale Sida ay ogaatay Caasimadda Online, madaxda dalka ayaa isla ogeyn waraaqdii kasoo baxday Wasaaradda Amniga, waxaana la xaqiijiyey in waraaqdaas laga soo qoray Xafiiska Ra’isulwasaare Kheyre uusan xataa war u heyn Wasiirka Amniga.

Sidoo kale waxaa soo baxayo warar kala duwan oo ku aadan in Waraaqdaas cadaadiskeeda ay ka timaaday Beesha Caalamka, iyadoo warar aan la hubin sheegayaan in Beesha Caalamka aysan lug ku laheyn isla markaasna aysan ka warqabin waraaqda kasoo baxday Wasaaradda Amniga.

Wixii warar ah ee kusoo korhda waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah

Caasimada Online
Xafiisaka Baydhabo
Caasimada@live.com