R/W Kheyre oo ku faanay in xukuumadiisa ay 21 bil oo xiriir ah ku guuleysatay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa ku faanay in xukuumaddiisa ay ku guuleysatay inay 21 bilood oo xiriir ah si joogto ah u bixiso mushaharka ciidamada iyo shaqaalaha dowladda, xitaa ayada oo aan dib u dhigin oo waqtigii saxda ahaa laga helay.

Kheyre ayaa hadalkan ka sheegay kormeer uu maanta ku tegay Bangiga dhexe ee dalka, halkaas oo uu kula kulmay guddoomiye ku-xigeenka bangiga iyo wasiirka maaliyadda xukuummadda federaalka Soomaaliya.

Kulan uu labada mas’uul la yeeshay, ayaa looga hadlayay dardar-gelinta hagaajinta maamulka maaliyadda, ilaalinta hantida dadwaynaha, qorshaha cafinta daymaha dalka lagu leeyahay, kordhinta dakhliga, daahfurtaanta, isla xitaabtanka iyo daabacaadda lacagta cusub ee dalka.

“Dawladda waxaa sharaf u ah in 21-kii bilood ee lasoo dhaafay ay bil waliba mushaharka shaqaalaha iyo ciidanka ay joogtaysay. Waxa aan idinku amrayaa in mushaarkaas aad ku bixisaan waqti sax ah, joogto ah oo aan laalaab lahayn”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Raiisul wasaare Khayre oo mas’uuliyiinta wasaaradda iyo bangiga ku ammaanay dib-u-hagaajinta hannaanka maaliyadda dalka, ayaa ku boorriyay sii xoojinta shaqada si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale oo dhammaystiran, isaga oo si gaar ah ugu sheegay in bixinta mushaarka shaqaalaha iyo ciidanka qaranka ay muhiimmad gaar ah u leeyihiin xukuummadda.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sidoo kale ka qayb galay kulan ay xarunta bangiga dhexe ku lahaayeen madaxda bangiyada gaarka loo leeyahay iyo guddoonka bangiga dhexe kaas oo looga hadlay sidii shaqooyinka bangiyada gaarka loo leeyahay loogu salayn lahaa Sharciga maaliyadda dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com