Puntland oo is-hortaagtay kulan uu wasiir Jamaal uga qeb-gali lahaa Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ay joojiyeen kulan magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal uu uga qeybgali lahaa Wasiir Qorshaynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan.

Kulanka oo ahaa mid maalmahaani la abaabulaayay ayaa waxa uu u dhaxeyn lahaa Wasiir Qorshaynta iyo ardayda Jaamacadaha Garowe.

Kulanka ay hakiyeen ciidamada Puntland oo uu ka danbeeyay maamulka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Soomaaliya Xaliimo Yarey iyo Cabdiqani Cabdi Jaamac oo Wasiir kasoo noqday Jubbaland, hadana ah la taliyaha Ra’iisal Wasaare Kheyre.

Wasiirka Qorshaynta Jamaal Maxamed Xasan, ayaa kulankaasi ka jeedin lahaa Khudbad lagu dhiiri galinaayo ardayda, hase yeeshee warar hoose oo aan ka heleyno dhanka laamaha amaanka ayaa sheegaya in hakinta kulanka uu yahay mid daba socda go’aanka ay maamul Goboleedyada dalka ku hakiyeen la shaqeynta dowlada Dhexe.

Mid kamid ah Saraakiisha amaanka Garoowe ayaa inoo xaqiijiyay in amarka lagu hakiyay kulanka uu ahaa mid kaga imaaday dhanka Taliska Booliska, waxa uuna carab dhabay in go’aankaasi uu yahay mid xoojinaaya qodobadii kasoo baxay shirka Kismaayo ee sida KMG ah loogu hakiyay xiriirka dowlada Dhexe.

Sidoo kale, waxaan arrintan ka hadal maamulka Puntland, waxaana lasoo sheegayaa in Hoolka iyo kulanka qabsoomidiisa ay dhaqaale xoogan ku bixiyeen ardayga Jaamacadaha.

Si kastaba ha ahaatee, go’aanka ay Puntland ku hakisay kulanka dhexmari lahaa Wasiir Jamaal Maxamed Xasan iyo Ardayda ayaa cirka kusii shareeri doona khilaafka dowlada Dhexe iyo Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com