Sawirro: Ammaanka Suuqa Bakaaraha oo faraha kasii baxaya iyo ganacsatada oo kulan degdeg yeeshay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maanta Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho lagu qabtay shir ay isugu yimaadeen Ganacsatada gobolka Banaadir,kuwaa oo ka cabanayay dhac iyo boob ay Suuqa  ku hayaan rag hubeesan ku labisan dareeska Ciidanka dowlada.

Ganacsatada ayaa sheegay in xaalada suuqa Bakaaraha uu xiligan meel xun marayo, waxa ayna cadeeyeen in Suuqa kusoo bateen burcad hubeesan oo wata dareeska ciidanka, kuwaa oo dhac u geesanaya ganacsatada iyo dadka kale ee Suuqa usoo adeeg doonta.

Waxa ay sheegeen Ganacsatada Suuqa Bakaaraha in ay kasoo baxeen waajibkooda ayna bixiyaan canshuurta dowlada ka rabto, hasa ahaatee dowladu dhankeeda gabtay in ay ilaaliso amaanka Suuqa iyo nolosha ganacsatada .

Gudoomiyaha Ganacastada Suuqa Bakaaraha Xasan Mirre Dhiif ayaa sheegay in amaanka Suuqa Bakaaraha uu sii xumaaday, waxa uuna sheegay in ganacsatada mar waliba wajahayaan dhac ,boob iyo cabsi galin ay kala kulmayaan kooxo burcada ah.

Waxa uu ugu baaqay Dowlada Soomaaliya in il gaar ah kusoo fiiriso xaalada Suuqa Bakaaraha uu sheegay in ay tahay halka ugu badan ay isugu yimaadaan bulshada Muqdisho, waxa uuna ku baaqay in si deg deg ah xaaladan wax looga qabto.

Inta badan Ganacsatadii ka hadashay shirkan maanta ka dhacay Suuqa Bakaaraha ayaa waxa ay si weyn uga cabanayeen dhibaatada mudooyinkii dambe kusoo korortay Suuqa, waxa ayna ganacsatada sheegeen in Suuqa halis ugu jiro in uu xirmo hadii aan deg deg wax looga qaban burcada hubeesan ee xiran dareeska ciidanka dowlada.

Suuqa Bakaaraha ayaa noqday goob ay usoo shaqo tagaan kooxo burcad ah oo wata dareeska ciidanka kuwaa oo inta badan wata gawaari yar yar iyo mooto bajaaj, waxa ayna  dhac u geestaan ganacsatada Suuqa iyo sidoo kale dadka usoo dukaameesiga taga.