Bulshada SOMALILAND oo soo saaray baaq xasaasi oo ka dhan ah xuska 18-ka May iyo xukuumada Biixi

Hargeysa (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Muwaadiniinta reer Somaliland ayaa si wada-jir ah maanta usoo saaray baaq xasaasiya oo ku saabsan xuska 18-ka May, oo ku beegan maalintii ay Somaliland ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya.

Baaqa ay maanta soo saareen Shacabku oo nuqul kamid ah uu soo gaaray Caasimada Online, ayaa waxa lagu sheegay in Ujeeddada iyo yoolka loo unkay qaran madax-bannaan ay aheyd in la dhiso dowladd umadda wada deeqda, kuna dhisan sinaan iyo cadaalada.

Sidoo kale waxa baaqaasi shaki lagu galiyay inay xukuumada Somaliland ku shaqeynayso qaab waafaqsan rabitaanka shacabka iyo yoolkii aasaaskeeda, kaas oo ku dhisan mabaadi’da Dastuuriga ah ee sinnaanta muwaadiniinta, caddaaladda, talo-wadaagga, is-dheelitirka awoodaha iyo sugidda xuquuqda aasaasiga ah iyo xorriyadda qofka.

Waxaana lagu xusay in gudaha Somaliland ay ka dhacaan falal kasoo horjeeda sharciga, midkaasi oo wiiqaya xorriyaadka muwaadiniinta ee cabbiridda aragtida, iyada oo Muwaadiniin badan oo reer Somaliland ah ay xabsiyada ugu jiraan soo bandhigida fikirkooda.

Baaqaasi ay maanta soo saareen Shacabku ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay inay marag ma-doon tahay in xukuumada Somaliland ka leexatay gaadhista yoolkii loo abuuray, xili dadkii dhashay 1991 iyo wixii ka danbeeyey weligood ma helin fursad ay ugu codeeyaa baarlamaan metela.

Waxaana sarre u kacay gudaha Somaliland shaqo la’aanta baahsan ee ka taagan, sinnaan la’aanta, caddaalad darada iyada oo hoos u dhaca wayni ku yimi wada-tashiga iyo ixtiraamka xuquuqda aasaasiga ah iyo xorriyaadka qofka, sida lagu sheegay baaqaasi.

“Waxa aan indhaha laga qarsan karin, habboonna in la is-waydiiyo sagaal iyo labaatan sanadood kadib Dawladda Somaliland ma tahay mid ku shaqaynaysa si waafaqsan rabitaanka shacabka iyo yoolkii aasaaska qarankan, kaas oo ku dhisan mabaadi’da Dastuuriga ah ee sinnaanta muwaadiniinta, caddaaladda, talo-wadaagga, is-dheelitirka awoodaha iyo sugidda xuquuqda aasaasiga ah iyo xorriyadda qofka” ayuu lagu yiri baaqaasi.

“Somaliland waxa ka dhaca ku-tumasho sharci, xadhig siyaasadeed iyo cabudhin ka dhan ah warbaahinta, siyaasiyiinta, iyo muwaadiniinta cabbira aragtiyohooda. Waxa kale oo si joogto ah u dhaca ku-xadgudub madaxbannaanida Golayaasha Sharcidejinta iyo Garsoorka oo aan shaqadooda u madax bannaanayn, iyada oo xadhigga xildhibaannada iyo masuuliyiinta xisbiyada mucaaradku yihiin kuwo soo noqnoqda. Deeqaha iyo miisaaniyadda Somaliland looma qaybiyo si caddaalad ah oo ay u siman yihiin gobollada dalka oo dhan” ayaa sidoo kale lagu yiri baaqaasi.  

Baaqaasi oo ay ku saxeexnaayeen boqolaal shacab ah ayaa waxa kale oo lagu sheegay in xukuumada Somaliland ay gebi ahaanba baal martay heshiisyadii lagu galay shirarkii Burco ee 27kii April ilaa 5tii May 1991, Shirkii Boorame ee 24kii January ilaa 25kii May 1993kii iyo Dastuurka Somaliland ee la ansixiyay 2001.

Ugu dambeyntiina waxa xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi lagaga dalbaday inay ku soo noqoto heshiisyada bulsho, ixtiraamto dastuurka oo ay dalka ku soo dabaasho hanaan dimoqraadi ah, sinaan iyo caddaalad.