Muuse Biixi oo hal shardi oo cusub ku xiray wada-hadalka Soomaaliya iyo Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyey sanad guurada 18-ka May oo ah markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, sida deeqaha loo soo marsiiyo dowladda federaalka iyo wada-hadalada labada dhinac.

Biixi ayaa sheegay inay marka soo dhaweynayaan deeqaha ay ka helaan beesha caalamka, balse wuxuu tilmaamay in aysan aqbali doonin in loo soo marsiiyo dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Somaliland ayaa xusay in ay isku filan yihiin, islamarkaana xukuumadda Muqdisho ay tahay cadow ka soo horjeeda madax-banaanidooda iyo in la aqoonsado.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo muddo afar sano ah hakad ku jira, wuxuuna hoosta ka xariiqay in wax wada-xaajood ah aysa la geli doonin dowladda Soomaaliya inta ay Somaliland ugu yeereyso magaca gobollada waqooyi ee Soomaaliya, taasina ay tahay xaqiraad, sida uu hadalka u dhigay.

Muuse Bixii ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya ay kula macamiil-tami karaan oo kaliya hal shardi, kaas oo ah inay u wada-hadlaan sidii labo dal oo daris ah.

Madaxweyne Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyey in madaxda dowladda federaalka ay aaminsan yihiin midnimo, balse loo baahan yahay in laga heshiisyo ajandaha laga wada-hadlayo, si ay natiijo waxtar leh uga soo baxaan wada-hadallaasi.

Ugu dambeyn wuxuu soo jeediyey inay fiicnaan laheyd in Soomaaliya iyo Somaliland ay isla tagaan maxkamad, haddii wada-hadallada lagu heshiin waayo, si ay u kala saarto.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.