Burcad badeeddii afduubatay markabka RUEN oo isku dhiibay ciidanka Hindiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka badda Hindiya ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa soo badbaadiyey 17 shaqaale ah oo saarnaa markabka MV Ruen oo muddo saddex bilood ah gacanta ugu jiray burcad baddeeda Soomaaliya, sida ay baahiyeen ciidaamadda badda ee Hindiya.

Howlgal qaaday saacado badan oo gacan ka hadal ah ayaa waxaa fuliyey Markabka dagaalka ee INSSubhadra oo ay caawinayaan diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa ilaalada ee aan duuliyaha lahayn, sida ay bartooda X ee hore loo oron jiray Twiter ku sheegeen ciidamada badda Hindiya.

Tirada burcad baddeeda ay ciidamada Hindiya ku qabteen howlgalkaas ayay ku sheegeen in ay dhan tahay 35 nin.

Xilliga howlgalku dhacayey markabka ayaa ku sugnaa masaafo 1400 Nautical Miles u jirta xeebta badweynta Hindiya.

Dhinaca kale Puntland ayaa sheegtay inay soo dhaweynayso sida ciidamada Hindiya ay xeebahaas ugu fuliyeen howlgalkii labaad oo ay gacanta ku dhigeen burcad baddeed gacanta ku hayey doonyo iyo Markab ganacsi.

Wasiirka dekaddaha iyo gaadiidka badda ee Puntland, Axmed Yasiin Saalax oo la hadlay BBC ayaa sheegay in howlgalkaasi uu u quus gooyey cid walba oo damac kaga jiray sida uu hadalka u dhigay dib u soo nooleeynta falalkii burcad baddeeda.

“Waxaa hadda dhamaantood lagu hayaa Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda ee Hindiya, markabkii ayaa waxyeelo ka gaartay dhanka qolka laga hago ka dib rasaastii ay muddada dheerayd is dhaafsanayeen burcadda iyo ciidamada Hinidya, isagana hadda waxaan xogta aan helnay sheegeysaa in farsamayaqaano ka howlgali doonaan, sida ugu dhaqsaha badana uu sii wadan doono safarkiisa” ayuu yiri Wasiirku.

Markabkaan oo lagu magacaabo MV Ruen, ayaa laga leeyahay dalka Bulgaariya, balse ku gooshayey calanka dalka Malta, kaas oo burcad baddeed Soomaali ah ka soo afduubeen biyaha caalamiga ah dhammaadkii sanadkii 2023-kii.