BUUG cusub oo shaaca ka qaaday heerka naceybka uu Trump u hayo Soomaalida

Washington (Caasimada Online) – Bilo un kadib markii uu xukunka qabtay, madaxweyne Donald Trump ayaa isaga oo aad u carreysan waxa uu sii-hayihii xilligaas ee xoghayaha amniga gudaha, Elaine Duke weydiiyey sababta aan wax uu ugu yeeray “qaxootiga Soomaalida liidata” looga mamnuucin Mareykanka.

Sheekadan ayaa waxaa lagu faah-faahiyey qeyb ka mid ah buugga cusub ee “Border Wars” oo shaaca ka qaaday in Trump uu rumeysan yahay in Soomaalida ay halis ku yihiin Mareykanka.

Bilo ka hor xilliga uu Trump sida carreysan uga hadlayo Soomaalida, waxa uu soo saaray amar madaxweyne oo dadka Soomaalida ah iyo kuwa kale ee kasoo jeeda 7 dal oo kale looga mamnuucay inay soo galaan Mareykanka.

“Trump iyo Stephen Miller ayaa u muuqday inay naceyb gaar ah u qabaan Soomaaliya. Ayaga oo inta badan dadka Soomaalida usoo qaadanayey tusaale, marka ay ka hadlayaan halista qaxootiga imanaya Mareykanka,” ayaa lagu qoray buugga.

Buugga “Border Wars” ayaa waxaa qoray Julie Hirschfeld Davis iyo Michael D. Shear oo ka tirsan wargeyska New York Times.

Bishii October 2017, toddobaadyo kadib markii Trump uu ku cowdsay Elaine Duke, oo xilligaas ahayd sii-hayaha xoghayaha amniga gudaha, waxaa soo wacay Stephen Miller oo ah la-taliyaha sare ee siyaasadda Aqalka Cad ee Mareykanka, isaga oo ku adkeystay in si deg deg ah la joojiyo qaxootiga ka imanaya 11 dal, gaar ahaan Soomaaliya, sida ku cad buugga.

Duke ayaa diiday codsigiisa, sababtoo ah waxaa xlligaas socday kiis maxkamadeed oo ka dhan ah amarka madaxweynaha ee lagu mamnuucay dadka ka imanaya Soomaalida iyo 7 dal oo kale.

Tan iyo markii uu xukunka yimid Trump, maamulkiisa ayaa hoos u dhac xooggan ku sameeyey tirada qaxootiga imanaya Mareykanka, waxaana tirada sanadkan ay gaartay heerkii ugu hooseeyey oo ah kaliya 30,000. Si kastaba, Trump ayaa damacsan inuu hoos usii dhigo oo uu gaarsiiyo 18,000.

Qaxootiga kuma jiraan Soomaalida oo waxaa weli saameynaya amarka Trump oo dhaqan galay kadib markii ay xukmisay maxkamadda sare.

Soomaalida kaliya ee Mareykanka iminka yimaada waa dadka kusoo gala Visa-ha, gaar ahaan waalid, caruur iyo xaas qof Mareykan ah, taasi oo xitaa in kasta oo sharci ay tahay, haddana aad loogu adkeeyo, lana marsiiyo baaritaano qaata bilooyin iyo sanado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com