C/Casiis C/llaahi Maxamuud oo lagu dilay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa baaritaan ka wada degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, waxaana baaritaanka uu ka dambeeyay kadib markii kooxo hubeysan ay dil ka geysteen suuqa degmada Kaaraan.

Kooxo hubeysan ayaa degmada Kaaraan ayaa ku dilay Cabdicasiis Cabdullaahi Maxamuud oo ahaa ruux dhalinyaro ah oo ka tirsanaa shaqaalaha degmada Kaaraan.

Ciidamada amaanka ee degmada Kaaraan ayaa baaritaan ka wada xaafadaha xalay uu dilka ka dhacay, waxaana xabsiga la dhigay dhalinyaro badan oo lagu tuhmayo dilkii xalay ka dhacay degmadaasi.

Ciidamada Booliska degmada Kaaraan ayaa ilaa saaka baaritaan ka wada suuqa degmada, waxaana la sheegayaa in dadka la qabtay ay ku xiran yihiin saldhiga degmada Kaaraan.

Waa dilkii labaad oo Degmada Kaaraan ka dhaca tan iyo markii ay curatay bisha barakeysan ee Ramadaan, isniintii Bartamihii todobaadkii tagay koox hubeysan ayaa Waaxda Jabuuti ku toogatay askari katirsan Militariga Dowladda, halka mid kale uu dhaawac soo gaaray.

Sidoo kale maalmo kahor Taliska Booliiska Soomaaliyeed waxa uu sheegay in Degmada Kaaraan howlgalo kala duwan oo laga sameeyay lagu soo qabtay dad ka dambeeyay dilka qof kamid ah dadka degmada iyo kuwo ku howlanaa iibinta maandooriyaha.

Masuuliyiinta degmada Kaaraan ayaa sheegay in saacadaha uu howlgalka dhamaado ay warbaahinta la hadli doonaan islamarkaana ay soo bandhigi doonaan natiijada kasoo baxday baaritaanka ay ciidamada sameeyeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com