C/Qaadir Coday oo maanta xoriyadiisa dib u helay kadib xukun ku dhacay shalay

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Waxa goordhoweyd oo maanta ah dib u helay xoriyadiisi Wariye Cabdiqaadir Coday, oo shalay Maxkamada gobolka Maroodi-jeex ay ku xukuntay hal sanno oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo dhanaa saddex milyan oo SL Shiling ah.

Sii deynta Coday ayaa timid kadib markii loo iibiyey xadhigii ay shalay ku xukuntay Maxkamada gobolka Maroodi-jeex, midaasi oo suurta-galisay in uu maanta dib u helo xoriyadiisi suxufigu.

Cabdiqaadir Coday oo warbaahinta la hadlay kadib sii deyntiisa ayaa waxa uu sheegay in la xidhay isagoo howlihiisi shaqo ku jira, isla markaana loo maray xadhigiisa sifo sharci daro ah.

Suxufi Coday ayaa Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi ka dalbaday in dacwadaha ka dhanka ah suxufiyiinta Somaliland ay u maraan sifo sharciga waafaqsan, oo aan lagu deg-degin xarigooga.

Coday ayaa sidoo kale waxa uu xusay in mudadii uu ku xirnaa CID-da Hargeysa ay si wanaagsan ula dhaqmeen ciidamada boolisku, wuxuuna ka dhawaajiyey in isbedel weyn ku yimid booliska iyo qaabkii ay ula dhaqmi jireen suxufiyiinta xiran.

Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee magaalada Hargeysa ayaa shalay Kiiska Cabdiqaadir Coday ka gaadhay go’aan kama dambeys ah, iyadoona ku xukuntay hal sano oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo dhanaa Saddex Milyan oo Somaliland Shiling ah.