WikiLeaks oo kashifay sir u qarsaneyd Mohamed Bin Zayed oo ku saabsan qoyska maamula Sacuudi Carabiya

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Website-ka sirta kashifa ee WikiLeaks ayaa baahiyey dokumentiyo shaaca ka qadaay walaac iyo aragti madow oo uu dhaxal-sugaha Abu Dhabi Mohamed Bin Zayed ka qabay qoyska xukuma Saudi Arabia.

Dokumentiyadan, oo sidoo kale uu daabacay wargeyska The New York Times, ayaa shaaciyey in Bin Zayed uu ku wargeliyey safiirka Mareykanka James Jeffrey, in uu ku cabsi qabo Wahaabiyada Sacuudiga, uuna doonayo inuu baabi’iyo.

New York Times ayaa ku warramay in Mohamed Bin Zayed uu xilligii boqor Abdallah Bin Abdulaziz, uu u arkay boqortooyada Sacuudiga mid taag darran, balse uu ka cabsi qabay in haddii meesha ay ka baxaan ay beddeli lahaayeen kuwa Wahaabi ah oo la mid ah Daacish.

“Qof kasta oo beddela qoyska Al Saud, wuxuu la kulmi doonaa qarow.” Ayuu yiri Bin Zayed.

Warbixinta ayaa sheegtay in Bin Zayed uu kadib xoogga saaray dhaxal-sugaha iminka ee Sacuudiga Mohamed Bin Salman.

Bin Zayed oo dul-qaadka kasii dhamaanaya kana cabsi qabay in Islaamiyiinta mayalka adage ay ku xoogeysanayaan Sacuudiga, ayaa aragtidiisa ka iibiyey maamulka madaxweyne Trump, si xukunka uu u qabsado Bin Salman.

Dokumentiyada ayaa shaaca ka qaaday in Bin Zayed uu sidoo kale dadaal xooggan geliyey sidii uu u qaadi lahaa kacdoon looga adkaanayo kooxda Ikhwaanul Muslimiin, iyo dhammaan cid kasta oo aragti Islaami ah wadata.

Wargeyska New York Times ayaa qoray in xukun ka tuuristii madaxweyne Mohamed Morsi ee Masar ay ahayd guushii ugu horreysay ee ololaha Bin Zayed ee ka dhanka ah Islaamiyiinta.

Waxa uu kadib dareenkiisa u weeciyey dalka Libya, halkaasi oo uu hadda taageerayo dagaal oogaha militari ee Jeneral Khaliifa Haftar, kaasi oo qaba aragti Islaam naceyb oo la mid ah tan Mohamed Bin Zayed.

Xanibaaddii la saaray Qatar, ayaa sidoo kale qeyb ka ah dagaalka ka dhanka ah islaamiyiinta ee Bin Zayed, maadaama Qatar lagu tiriyo dalalka taageera Ikhwaanul Muslimiinka.