Sawirro: R/W KHAYRE iyo James Swan oo ka wada hadlay doorashada 2020

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan gaar ah magaalada Muqdisho kula qaatay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Mudane James Swan.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa labada ma’sul waxa ay uga hadleen arrimo dhowr ah oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Wararka ayaa sheegaya in kulankaan intiisa badan diirada lagu saaray arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021, si meesha looga saaro walaaca taagan.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa u sheegay James Swan in xukuumaddiisu ka go’an tahay, sidii loo dardar galin howlaha doorashooyinka, si uusan u imaan dib u dhac.

Sidoo kale wuxuu uga mahadceliyey Qaramada Midoobay, sida ay mar weliba u garab taagan tahay dowladda federaalka.

Dowladda federaalka ayaa muddooyinkii dambe si weyn loogu dhaliilayey inay ka gaabisay dadaalladii looga baahnaa ee doorashooyinka soo socda 2020/2021.

Walaaca ugu badan ayaa wuxuu ka taagan yahay nooca doorasho ee la qabanayo, maadaama inta badan xisbiyada siyaasadeed ee ka jira dalka ay ku doodayaan inaan la qaban karin doorasho qof iyo cod ah.