Puntland oo war ka soo saartay kulankii Yamamoto iyo Saciid Deni + Sawirro

Boosaaso (Caasimada Online ) – Madaxtooyada Puntland ayaa war cusub ka soo saartay kulankii madaxweynaha maamulkaasi, Siciiid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo safiirka Mareykanka u jooga Soomaaliya, Ambassador Donald Yamamoto.

Kulanka ayaa ka dhacay magaalada Boodsaaso ee gobolka Bari, sida lagu sheegay qoraalka “Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qaabilay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto iyo wafdi uu hoggoominayo oo booqasho ku yimi Boosaaso”.

Sidoo kale Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in kulankaan loo hadlay arrimo ay ka mid yihiin xiriirka Puntland iyo Maraykanka, la dagaallanka argagixisada, xaaladda guud ee siyaasadda Soomaaliya, dhaqaalaha, deyn cafinta iyo doorashada 2020 illaa 2021.

“Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya donald Yamamoto, waxay ka wada hadleen arrimo ay ka midyihiin xiriirka Mareykanka iyo Puntland, la dagaalanka argagixisada, xaaladda guud ee siyaasadda Soomaaliya, dhaqaalaha iyo deyn cafinta Soomaaliya.”ayaa markale  lagu yiri qoraalka.

Safarka Yamamoto ayaa noqonaya kii labaad ee uu ku tago Puntland, isagoo sanadkii hore sidaan oo kale ugu tegay booqasho gaaban.

Puntland ayaa ka mid ah maamullada sida weyn uga soo horjeeda hanaanka ay wax u wado dowladda federaalka, gaar ahaan qaabka loo wajahayo doorashada soo socota.