Xog: R/W Kheyre oo is-hortaagay kursigii beesha Cali Gaaf ee Galmudug

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug oo ay ka socoto howlaha doorashada ayaa sheegaya inuu khilaaf xooggan ka taagan yahay mid kamid ah kuraasta ay Beesha Waceysle ku leedahay Galmudug.

Beesha Waceysle oo 8 Kursi ku leh Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa laga qabtay 7 kamid ah halka midkiii sideedaad ay diidan yihiin inay qabtaan Guddiga Doorashada Galmudug.

Kursiga dhiman ee Waceysle ayaa waxaa iska leh Lafta Cali-Gaaf, wuxuuna Nabadoonka leh saxiixa soo gudbiyey inuu Cabdinasir Aadan Cusman noqdo Xildhibaankooda.

Balse Guddiga Doorashada Galmudug ayaa laba jeer diiday inay liiska Xildhibaanada ku daraan Cabdinasir Aadan Cusman kadib amar sida la sheegay kasoo baxay Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, sida ay dad xogogaal ah u sheegeen Caasimadda Online.

Cabdinasir Aadan Cusman ayaa aad loo hadal hayaa inuu isku sharaxi doono xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, taasoo dhibaato ku ah Xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre oo iyagana loolan ugu jiro kursiga Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre ayaa u ololeenayo inuu Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug noqdo Maxamed Nuur Gacal oo kasoo jeedo Beesha Kheyre, islamarkaana ka tirsan la taliyaasha Ra’isul wasaare Kheyre.

Guddiga Doorashada iyo Xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre ayaa isku dayey inay laaluush siiyaan Nabadoonka leh saxiixa Xildhibaanka Beesha Cali-Gaaf balse waxay dhammaan odayaal dhaqameedyada isku raaceen inay wataan Cabdinasir Aadan Cusman ayna ka laabaneyn go’aankoodda.

Xildhibaanka u dhiman Beesha Waceyle ayaa noqday kursiga ugu adag Xildhibaanada Galmudug, waxaana isugu tagay Xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre  iyo Mas’uuliyiin kale oo diidan qofka uu Oday dhaqameedka u soo xulay.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaalkeeda ugu badan ku bixineyso sidii musharaxa ay wataan ugu guuleysan lahaa kursiga madaxweynimo ee Galmudug, waxayna taas ku suurta geli kartaa kaliya in qof ka socdo Nabad iyo Nolol uu noqdo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.