Xog: Baardheere oo qarka u saaran dagaal Muqdisho iyo Kismaayo laga abaabulay

Baardheere (Caasimada Online) – Magaalada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ka taagan xiisad dagaal oo u dhaxeysa laba ciidan oo kala taabacsan dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, waxaana xiisadaan dagaal la sheegay in laga abaabulay magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo.

Caasimada Online ayaa ogaatay in magaalada ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadaan qaar kamid ah Milateriga Soomaaliya oo halkaasi ku sugnaa iyo ciidan Muqdisho laga diray oo isku dhinac ah, iyo ciidamo taabacsan maamulka Jubbaland.

Maalintii Khamiista ee 9-kii bishaan waxaa magaalada Baardheere gaaray ciidamo aad u qalabeysan waxaana isla maalintaas magaalada gaaray Gudoomiye ku xigeenka amniga ee maamulka Gobalka Cusmaan Nuur Xaaji iyo guddoomiyaashii degmooyinka oo muddo ku sugnaa Muqdisho.

Guddoomiyaha iyo maamulada kale ee la socda ayaa maanta la kulmay dadka degaanka waxayna u sheegeen in ay toos u hoos tagaan Muqdisho, islamarkaana qofkii laga maqla Jubbaland la xiri doono.

Sidoo kale Cusmaan Nuur Xaaji ayaa dadka Baardheere u sheegay in Gedo ay halis ugu jirto dowlado shisheeye oo taageersan Axmed Madoobe sidaas darteed aan loo dulqaadan doonin qofkii Axmed Madoobe ka amar qaata.

Dhinaca kale waxaa magaalada Gaaf wareegaya ciidamo ay kala hogaaminayaan guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee gobalka Sheekh Maxmed Xusen Alqaadi, Guddoomiye ku xigeenka 1-aad gobalka ee dhawaan la magacaabay Macalim Koofi iyo guddoomiyaha degmada Baardheere, kuwaas oo ka amar qaata Amxed Madoobe waxayna wataan gaadiid dagaal iyo ciidan hubeysan.

Bulshada ku nool Baardheere ayaa Caasimada Online u sheegay in ay wajahayaan xaalad cabsi ah islamarkaana ay halis ugu jiraan dagaal laga abaabulay Muqdisho iyo Kismaayo.

Lama oga hadlka ay ku dambeyn doonto xaaladda gobalka Gedo oo ay wada joogaan laba ciidan oo ka kala amar qaata dowladda dhexe iyo Jubbaland, sidoo kalane ay joogaan laba maamul oo iska soo horjeeda, kuwaas oo laga amro Muqdisho iyo Kismaayo.