Video: Daaci reer Falastiin ah oo geerida u timid isaga oo leh “Laa Ilaaha Illalaah”

Kuwait (Caasimadda Online) – Waxaa si lama filaan ah dalka Kuwait ugu geeriyooday Sheekhii Daaciga ahaa ee reer Falastiin Al-Xaaji Maxmuud Cabdul Baaqi (Abuu Khadaab) kaasoo ahaa 83 sano xilli uu khudbad ka jeedinayey xaflad Aroos ah.

Waxaa baraha Bulshada si weyn ugu faafay muuqaal muujinayo daqiiqadda ay nafta ka baxeysay xilli uu ku dhawaaqayey kalmadda “Laa Ilaaha Ilalaah” ka hor inta uusan neefsan neeftii ugu dambeysay ee noloshiisa.

Xilliga uu dhimanayey Shiikha ayuu khudbad diini ah u jeedinayey koox dhallinyaro ah oo ka qeyb galeysay Xafladda Arooska, wuxuuna kula dardaaramayey inay dhallinyarada noloshooda dhan walba uga daydaan Rasuulkeena Muxamed Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee.

Shiikha ayaa marayey gabagabada wacdigiisa, wuxuuna kusoo xirayey Kalimada “Laa Ilaaha Illalahaa” wuxuuna markaas kadib qaatay neeftii ugu dambeysay noloshiisa.

Abuu Khadaab ayaa Jinsi ahaan kasoo jeeda Falastiin, wuxuuna ku dhashay Magaalada Bal’a oo ka tirsan Gobolka Tulkarm ee dhulka reer Falastiin.

Shiikha ayaa darajada labaad ee waxbarashada ka qaatay Jaamacadda Kuwait, gaar ahaan Kuliyadda Daraasaadka Islaamka. Sidoo kale Shiikha ayaa ka shaqeenayey howlaha tabarucaadda dadka Masaakiinta ah.

Culimada wadamada Carabta ayaa ammaanay Daaci Al-Xaaji Maxmuud Cabdul Baaqi (Abuu Khadaab)  iyo sida wanaagsan ee uu ugu shaqeeyay howlaha sadaqada ee laga wado Kuwait iyo dunida Carabta, maadaama uu gacan ka geystay sameynta gudiga Zakada Al-Othman, kaas oo loo arko inuu yahay mid ka mid ah guddiyadii Zakada ee ugu horeeyey dunida Carabta.

Halkaan hoose ka daawo Muuqaalka Daaciga iyo sida ay geerida ugu timid Allaha u naxariistee