Musharax xildhibaan oo kursiga ku waayey sawir uu la galay xildhibaan FIQI

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo galinkii dambe ee shalay la dhaariyey inta badan xildhibaanada baarlamaanka labaad ee Galmudug, ayaa waxaa isa soo taraya cabashooyin dhan walba leh oo laga qabo qaabkii loo soo xulay xubnahaas oo gaaraya 83 xildhibaan.

Ibraahim Xasan Cawaale waxa uu ka mid yahay musharaxiintii u tartaamayey kuraasta degmada Ceel-buur ka soo galaya baarlamaanka Galmudug, balse afar maalmood ka hor inta aan la guda galin soo xulidda kuraasta degmadaas ayaa lagu war geliyey in uu yahay nin lagu helay wax uu ku tilmaamay “Aayatul munaafaq.”

Ibraahim ayaa sheegay inay la soo xariireen xubno ka hoos shaqeeya Ra’iisul wasaare Kheyre, isla markaana ay ku war geliyeen inuusan u tartami karin kuraasta degmada Ceel-buur oo uu deegaan ahaan ka soo jeedo xaqna uu u lahaa inuu ku metelo baarlamaanka Galmudug sida uu sheegay.

Sababta Ibraahim looga hor istaagay inuu u tartamo kursta deegaankiisa, waxuu ku sheegay inay tahay sawir uu sanadkii hore la galay xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan golaha shacabka, mucaaradna ku ah xukuumadda hada talisa oo iyadu gar wadeen ka ah arimaha doorashooyinka Galmudug.

Musharaxa is hor taaga lagu sameeyey Ibraahim Xasan Cawaale isagoo u waramayey Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho waxa uu sheegay in Fiqi uusan u laheyn aqoon gooni ah, balse xilliga uu sawirkaas la galay ay ku kulmeen Hotel kuyaalla Muqdisho oo lagu soo bandhigayey Book uu qoray Cabdicasiis Xildhibaan.

Sidoo kale Ibraahim bartiisa Facebook ayuu ku soo daabacay qoraal dheer oo uu uga hadlayey arintaas, waxuuna sheegay in Booga lasoo bandhigayey xilligaas looga hadlayey waayaha Xildhibaan Cabdullahi Gaafow oo uu sheegay inuu taageero weyn u hayo Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Halkan ka dhageyso wareysiga