Xog: Kheyre iyo Sabriye oo isku khilaafay dhismaha baarlamanka Galmudug

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya wararka sheegaya in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wasiirkiisa arirmaha gudaha iyo federaalka Cabdi Maxamed Sabriye, ay isku khilaafeen dhismaha baarlamaanka Galmudug oo xildhibaanadiisa badankood la shaaciyey jimcihii.

Warar ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in wasiir Sabriye uu rajo ka qabay in la qanciyo beelaha tabashada qaba, iyadoo ay ka qeyb qaadanayaan odayaasha iyo Xildhibaanada ku jira baarlamaanka Soomaaliya balse aysan dhicin in go’aan gaar ah laga qaato cabashadooda.

Sidoo kale, Caasimada Online dadkii ay la hadashay waxay u sheegeen in wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya uu Jimcihii ka soo dhaqaajiyay Dhuusamareeb kadib markii uu sheegay in uusan waxba u heynin odayaasha qaar oo looga baxay balamihii uu ka soo qaaday, manna cadda inuu dib ugu laabtay iyo in kale.

Beelaha Sacad, Saleebaan, Dir iyo kuwa kale ayaa cabasho xoog leh ka qaba sida loo maray soo xulista baarlamaanka, waxayna qaarkood ku doodayaan in lagu farageliyay soo xulista waana sababta keentay in wasiirka uu ka caroodo go’aanka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo guddiga Farsamada ay qaateen jimcihii.

Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in wasiirka uusan ka warqabin ku dhawaaqista baarlamaanka balse uu ku howlanaa sidii uu u xalin dhowr beel oo cabasho ka qabtay xildhibaano aan badneyn oo ku jira liiska, balse isaga oo aan ka war hayn lasii daayey liiska.

Si walba xaaladda Galmudug ayaa u muuqata in ay dhinac usii dhaceyso kadib rafaad dheer oo soo jiitamayay 7-dii bil ee ugu dambeysay. Dad badan ayaa go’aankaan u arka qalad halka qaarkoodna ay u arkaan mid laga fursan waayay.