Facebook Pinterest Twitter Youtube
  • About us
  • Privacy Policy
  • Contact Us
  • SO
  • EN
Logo
  • Home
  • English
  • Wararka
  • Caalamka
  • Ra’yiga
  • Xulka
  • Somaliland
  • Contact us
  • About us
  • Privacy Policy
Logo
0
  • Home
  • Wararka
  • Caalamka
  • Ra’yiga
  • Xulka
  • Somaliland
  • Contact us
Facebook
Instagram
Pinterest
Twitter
Youtube
28.1 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026
  • Privacy Policy
  • Contact Us
  • SO
  • EN
Logo
  • Home
  • Wararka
  • Caalamka
  • Ra’yiga
  • Xulka
  • Somaliland
  • Contact us
  • Home
  • Wararka
  • Caalamka
  • Ra’yiga
  • Xulka
  • Somaliland
  • Contact us
Ra'yigaWararka

C/raxmaan C/shakuur oo hal hadal ku baabi’iyey waxkasto uu ku helay dulmigii loo geystey

December 22, 2017
By Asad Cabdullahi Mataan
1 min.
Bookmark
Bookmarked
Share
Facebook
Twitter
Pinterest
WhatsApp
Linkedin
Email
Print
Viber

    Share

    Facebook
    Twitter
    Pinterest
    WhatsApp
    Linkedin
    Email
    Print
    Viber

      “Waxaa guul ah in innagii martida naloo ahaa aan sharciga wax ku raadino, halka kuwii martida noo ahaa ey xoog wax ku raadinayaan”

      Waa hadalka uu C/Raxmaan C/Shakuur ku baabi’iyey waxkasto uu ku helay dulmigii loo geystey.

      Ilaa shaley dad ku celcelinaaya warkaas oo u tiirinaaya C/Raxmaan C/Shakuur waan arkaayey. Laakiin waxaan sugaayey inaan dhegeheyga ku maqlo, maanta ayey ii suurto gashay inaan maqlo.

      Waxaan rabaa C/Raxmaan C/Shakuur inaan u sheego arrimahan:

      1- Dadka diiday dulmiga, dalbayna sharciga in waxkasto loo maro ma aheyn hal qolo ee waa inta waxgaradka ah oo waddanka u damqanaya. Badankoodana ma fiirinin qofka la dulmay yuu yahay, balse mabda’a ayey ka diideen.

      2- Dadka aad ku tilmaantey in loogu yaqaan mise lagu sheekeysto inay xoog wax ku raadiyaan ma ahan dadka xamar u dhashey ee waa dadka duullaanka ku ah oo aad ogtahay, Marka ha isku qasin.

      3- Caasimadda waddanka qof marti ku ah mise marti loo yahay ma jirto, haddiise aad ka waddo beelaha aan u dhalanin, adiga ayaa ugu horeynaayo oo marti ku ah.

      4- Dowladda marna marti ma noqoneyso, xitaa dadka waqtigaas talada haaya aysan u dhalanin caasimadda mise Koofur. Maxaa yeelay dowladda ma ahan qofka xukunka heysta oo keliya.

      5- Waxaa ayaan daro ah in adigoo raadinaaya inaad ummadda Soomaaliyeed madax u noqoto, haddana weli maskaxda ay kaa guuxeyso in dad marti ah iyo dad marti loo yahay ay jirto.

      6- Biseyl siyaasadeed oo badan ayaa kuu dhiman haddii weli aadan ka bixin aagga ku tiirsanashaha beeshaada.

      Tani waxba kama bedeleyso mawqifkeygii hore oo aan si cad ugu diiday dulmiga laguu geystay maxaa yeelay markii horeba shaqsi ma ahayn waxaan daafacayey ee wuxuu ahaa inaan kasoo horjeedo qof muwaadin ah in lagu takrifalo xuquuqdiisa.

      W/Q: Dr. Mohamed Al-hadi

      Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

      - Advertisement -
      QORAALKII HORE
      Yaan Soomaaliya fursadda laga lumin
      QORAALKA XIGA
      Dacwadii daciifka ahayd ee xeer Illaalinta u cuskatay CC Warsame – Qodobada
      Asad Cabdullahi Mataan

      Read more

      Wararka

      Sababta ka baxsan Shabaab ee Shiinaha u hubeynayo Dowladda Soomaaliya

      Wararka

      Abiy Axmed: Gees Afrika nabad lagu wada joogi maayo haddii Itoobiya aysan bad helin

      Wararka

      Heerka naceybka Israa’il ee Mareykanka – Maxaa ka dhacay Aqalka Senate-ka?

      Wararka

      Puntland oo Xasan Sheekh u dirtay dalab culus oo la doonayo in la fuliyo ka hor 15-ka May

      English

      Division emerges within Somalia Human Rights Commission over South West election

      Local News

      Wararka

      Sababta ka baxsan Shabaab ee Shiinaha u hubeynayo Dowladda Soomaaliya

      Wararka

      Abiy Axmed: Gees Afrika nabad lagu wada joogi maayo haddii Itoobiya aysan bad helin

      Wararka

      Heerka naceybka Israa’il ee Mareykanka – Maxaa ka dhacay Aqalka Senate-ka?

      Wararka

      Puntland oo Xasan Sheekh u dirtay dalab culus oo la doonayo in la fuliyo ka hor 15-ka May

      LogoTalk

      Caasimada Online is a reputable and reliable source of news and information on Somalia. As the largest Somali news site, we are dedicated to providing our readers with accurate and up-to-date coverage of the country's politics, society, and culture. Founded in 2009 by a Somali-American journalist, Caasimada Online is owned by Caasimada Media Group and headquartered in Mogadishu. In addition to keeping our readers informed, we strive to promote democracy in Somalia. If you have any questions or comments, please don't hesitate to contact us at [email protected]

      Important Links

      • Privacy Policy
      • Contact Us

      Trending

      Wararka

      Sababta ka baxsan Shabaab ee Shiinaha u hubeynayo Dowladda Soomaaliya

      Wararka

      Abiy Axmed: Gees Afrika nabad lagu wada joogi maayo haddii Itoobiya aysan bad helin

      Wararka

      Heerka naceybka Israa’il ee Mareykanka – Maxaa ka dhacay Aqalka Senate-ka?

      Social Media

      © Caasimada Online 2012 | All Rights Reserved

      Facebook
      Instagram
      TikTok
      Twitch
      Twitter
      WhatsApp