C/raxmaan C/shakuur oo hal hadal ku baabi’iyey waxkasto uu ku helay dulmigii loo geystey

“Waxaa guul ah in innagii martida naloo ahaa aan sharciga wax ku raadino, halka kuwii martida noo ahaa ey xoog wax ku raadinayaan”

Waa hadalka uu C/Raxmaan C/Shakuur ku baabi’iyey waxkasto uu ku helay dulmigii loo geystey.

Ilaa shaley dad ku celcelinaaya warkaas oo u tiirinaaya C/Raxmaan C/Shakuur waan arkaayey. Laakiin waxaan sugaayey inaan dhegeheyga ku maqlo, maanta ayey ii suurto gashay inaan maqlo.

Waxaan rabaa C/Raxmaan C/Shakuur inaan u sheego arrimahan:

1- Dadka diiday dulmiga, dalbayna sharciga in waxkasto loo maro ma aheyn hal qolo ee waa inta waxgaradka ah oo waddanka u damqanaya. Badankoodana ma fiirinin qofka la dulmay yuu yahay, balse mabda’a ayey ka diideen.

2- Dadka aad ku tilmaantey in loogu yaqaan mise lagu sheekeysto inay xoog wax ku raadiyaan ma ahan dadka xamar u dhashey ee waa dadka duullaanka ku ah oo aad ogtahay, Marka ha isku qasin.

3- Caasimadda waddanka qof marti ku ah mise marti loo yahay ma jirto, haddiise aad ka waddo beelaha aan u dhalanin, adiga ayaa ugu horeynaayo oo marti ku ah.

4- Dowladda marna marti ma noqoneyso, xitaa dadka waqtigaas talada haaya aysan u dhalanin caasimadda mise Koofur. Maxaa yeelay dowladda ma ahan qofka xukunka heysta oo keliya.

5- Waxaa ayaan daro ah in adigoo raadinaaya inaad ummadda Soomaaliyeed madax u noqoto, haddana weli maskaxda ay kaa guuxeyso in dad marti ah iyo dad marti loo yahay ay jirto.

6- Biseyl siyaasadeed oo badan ayaa kuu dhiman haddii weli aadan ka bixin aagga ku tiirsanashaha beeshaada.

Tani waxba kama bedeleyso mawqifkeygii hore oo aan si cad ugu diiday dulmiga laguu geystay maxaa yeelay markii horeba shaqsi ma ahayn waxaan daafacayey ee wuxuu ahaa inaan kasoo horjeedo qof muwaadin ah in lagu takrifalo xuquuqdiisa.

W/Q: Dr. Mohamed Al-hadi