C/raxmaan C/shakuur oo xabsiga laga sii daayay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, ayaa waxaa goor dhow laga sii daayay Xarunta Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), oo uu ku xirnaa tan iyo habeenkii Axada.

Ka dib wadahadalo saacado badan qaatay oo tan iyo galabta ka soconayay Magaalada Muqdisho, ayaa lagu guuleystay in xabsiga laga sii daayo Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Wada hadalo iyo dadaalo aan kala go’laheyn oo ay ku lug lahaayeen Odayaasha dhaqanka madaxweyanayaasha Hirshabeelle, Galmudug, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Xuldhibaano ayaa oo saacado badan la isku mari la’aa ayaa ugu dambeyn lagu guuleystay.

Heshiiska lagu sii daayay oo dhowr qodob ka koobnaa ayaa waxaa saxiixay Odayaasha Dhaqanka, Wasiiro ka socday Xukuumadda iyo C/raxmaan C/shakuur qudhiisa.

Xildhibana Axmed Macalin Fiqi ayaa goor dhow qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in la la sii daayay C/raxmaan C/shakuur

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, ayaa xaqiijiyay in C/raxmaan C/shakuur uu xoriyadiisii dib u helay.

“Ugu dambeen Siyaasi C/raxmaan C/shukuur xabsigii wuu ka soo baxay, haddii uu ku jiri lahaa qaran dumisnimo iyo khiyaano qaran sida ay ku andacoonayeen sharcigu ma ogolaadeen in la damiinto ama la soo daayo.” Ayuu yiri Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.

Xildhibaan Fiqi oo qoraalkan soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa u mahadceliyay dadkii ka qayb qaatay sii deynta C/raxmaan C/shakuur, waxa uuna yiri “Dhammaan intii sharciga iyo xaqqa u hiilisay ee garab istaagtay C/raxmaan C/shukuur waa ku mahadsan yihiin, wuxuu ahaa hiil xoriyatul qawlka iyo dimuqraadiyadda loo hiiliyay.”

Ciidanka NISA, ayaa habeenkii Axada weerar qorsheysan ku qaaday hoyga uu C/raxmaan C/shakuur ka degan yahay Magaalada Muqdisho. Weerarkaasi waxaa lagu sheegay inuu ahaa mid sharciga liddi ku ah.

Garyaqaan Tahliil Xaaji oo ka mid ah qareenada difaaceysa C/raxmaan C/shakuur, ayaa sheegay Ciidanka NISA inaanay wadan warqad lagu soo xiri karay Siyaasigaasi.

 C/raxmaan C/shakuur oo ay wehliyaan Mas’uuliyiintii iyo xildhibaanadii qeybta ka ahaa wada hadalka lagu sii daayay ayaa la sheegay inay aadeen Guriga Iimaamka Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf Cali.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com