C/raxmaan Ciro oo beeniyey arrin laga faafiyey intuu ku sugnaa magaalada Nairobi

Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa caasimada Somaliland dib ugu soo laabtay, kadib safar uu dalka Kenya ugu maqnaa.

Guddoomiye Cirro oo warbaahinta la hadlayey ayaa waxa uu beeniyey warar si aad ah loo hadal hayey intii uu ku maqnaa dalka Kenya.

Ciro ayaa waxa uu sheegay inaysan wax kulan ah magaalada Nairobi ku dhex-marin Safiirada dalalka Mareykanka iyo Qatar u fadhiya Kenya, balse wuxuu xaqiijiyey inuu kulan la qaatay Wafdiyo kale oo safiiro iskugu jirey.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Ciro oo arrimahaasi ka hadlaya, ayaa wuxuu yiri “Warbaahinta qaarkood waxay qoreen inaan Kenya kula kulmay danjiraha Dalka Qadar iyo Danjiraha Maraykanka, warkaasi ma jiro, laakiin Safiirka Qadar kama duwana kuwii aan la kulmay, wax noo diidanaya inaanu la kulano Safiirro gaar ahina ma jiro, Cidna nooma yeerin karto cidda aanu la kulmayno”.

Wuxuuna intaas kusii daray Guddoomiyuhu “Waxa weli socota ku xad-gudubka iyo Xadhigga Muwaadiniinta, waxa u dambeeyay Guddoomiyihii Garabka dhallinyarada ee Xisbiga WADDANI oo isna Rayi lagu xidhay, waxa la yidhi Dawladdu waa lana caayey, haddii ay Cid Cay lagu xidhayo waxay ahad in Maxamed Muuse Diiriye la soo xidho”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com