Maamul goboleed ka baxay nidaamka imtixaanaadka ee DF kadib fashilkii dhacay

Jowhar (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamul goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in maamulkiisu uu si gaar ah u sameysanayo imtixaanka dugsiyada sare kadib markii dowlada federalka ay ku dhowaaqday in la baabi’iyay imtixaanka oo dhan.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabelle oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Jowhar ayaa la hadlayay boqolaal arday ah oo saaka isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee magaalada Jowhar waxana uu ku amray guddiga qaadista imtixaanka oo ay wasaarada waxbarashada dowlada federalka soo dirty inay dib ugu laabtaan Muqdisho .

“Howshiinii waad gabteen meeshaad ka timideen ku noqdeen amnigiina iyo joogitaankiina dhibaatuu nagu yahay.”ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in saraakiisha loo xilsaaray qaadista Imtixaanka ee ka socday Wasaarada waxbarashada Soomaaliya ay fashilmeen,waxaana uu ku amray Saraakiishaas inay si deg deg ah uga baxaan deegaanada Hir-Shabeelle.

Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa ugu baaqay Wasaarada Waxbarashada inay isla xisaabtan sameyso oo si deg-deg ah cidii fashilisay imtixaanka tallaabo loogaga qaado.

“Maanta wixii ka dambeeya waxbarashada ardayda Hirshabelle waxaa mas’uul ka ah dowlad goboleedka Hirshabelle.”ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in uu Magacaabi doono Guddi laga soo xulayo, Aqoonyanada, Culumada iyo waxgaradka deeganada Hir-Shabelle,kuwaas oo ka Shaqeyn doono qabsoomida Imtixaanka Ardayda ku nool deegaannada Hir-Shabeelle.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
caasimada@live.com