Daawo Sawirrada: Dadkii ku geeriyooday roobab xoogan oo xalay ka da’ay Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) ― Roob aad u xoog badan ayaa xalay ka da’ay Caasimadda Somaliland ee magaalada Hargeysa, kaasi oo geystay khasaare badan.

Roobkan ayaa waxa uu sababay dhimasho iyo dhaawac, isagoona bur-buriyey hanti kala duwan.

Ilaa inta hadda la xaqiijiyey waxa roobkan ku geeriyooday Lix qof halka ay Sagaal qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo lagu dabiibayo xaaladooda caafimada cisbitaal weyn ee magaalada Hargeysa.

Dadka ku naf waayey roobkan ayaa waxa ka mid ahaa Afar qof oo gaari wada saarnaa oo ay qaaday laag biyo mareen ah oo kutaala xaafadda Boqol iyo kontonka ee Hargeysa.

Roobka oo dabaylo watay ayaa sidoo kale waxa ka dhashay khasaare hantiyeed oo soo gaaray hotelo, tukaano, Meherado iyo goobo kale oo ganacsi.

Roobkan ayaa magaalada Hargeysa waxa uu ka da’ayey muddo saacado ah kaasi oo hakad galiyay isku socodkii magalada, kadib markii uu wadooyinka halbowlaha ah uu soo dhoobay dhagaxaan badan.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa booqday xalay oo soo kormeeray meelaha khasaaruhu ka dhacay iyo guud ahaan waxyeelada magaalada uu roobku gaarsiiyey, wuxuuna ka hadlay khasaaraha ka dhashay roobkaa oo ahaa mid mahiigaan ah, isagoona ka tacsiyeeyay ehelada dadkii ku dhintay roobka.

Waxa kale oo xusid mudan in Roobkaasi uu waxyeelo soo gaarsiiyay ilaa 50-gaari, halka ay gaadiid kale oo badan ay samato-bixiyeen Ciidammada Dab-damisku.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com