C/weli Gaas iyo ciidamo uu wato oo Muqdisho u yimid ka qeybgalka shirka DF iyo maamul goboleedyada: Sawirro

Muqdisho (Caasimadda Online)– Madaxweynaha maamulka goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa kasoo degay garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde isagoo ay la socdaan ciidamo gaar ah oo hubeysan oo sugi doona amaankiisa.

Mr. C/weli Gaas ayaa magaalada Muqdisho ugu qeybgeli doona shirka madaxda dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada oo beri ka furmi doona Muqdisho.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shirkaan shir guddoomin doona isagoo ah guddoomiyaha guddiga ammaanka Qaranka.

Shirkaan ayaa ah mid looga hadli doono arrimaha amniga qaranka iyo wixii ka qabsoomay shirkii horay u yeesheen dowladda iyo maamul goboleedyada, waxaana la filayaa in uu socon doono mudo labo cisho ah.

Dhinaca kale, madaxda kale ee maamulada dalka ayaa laga sugayaa in saacadaha soo socda soo daaraan Muqdisho, maadaama shirka beri furmaayo.