Xildhibaankii xaalada Kismaayo kiciyay oo fuliyay shuruudii xabsiga looga sii daayay xilkana iska casilay

Muqdisho(Caasimadda Online)– Xildhibaan Axmed Cabdi Xasan oo ka mid ahaa xildhibaanada baarlamaanka maamulka Jubbaland oo dhawaan xabsiga dhigeen ciidamada Jubbaland ayaa laga sii daayay xabsiga, kadibna ku dhawaaqay inuu xubinimadii baarlamaanka iska casilay.

Xariga xildhibaanka ayaa ka danbeeyay kadib markii baarlamaanka maamulkaasi ay xanaasanadda ka baadden buuq farabadana uu ka dhashay iyo xaalad kacsanaan oo magaalada Kismaayo gasho.

Xildhibaanka oo warbaahinta kula hadlay Kismaayo waxaa uu sheegay in uu ka xun yahay xarigii loogu geystay magaalada Kismaayo.

Waxaa uu tilmaamay in uu u tanaasulay chacabka degaanada maamulka Jubbaland, maadaama maalmihii lasoo dhaafay ay ka jireen dhibaatooyin.

“Anigoo ah xildhibaan Axmed Xasan Cabdi (Axmed Taajir) ahna xildhibaan laga soo doortay degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose, waxaan u sheegayaa shacabka aan metalo iyo guud ahaan kuwa Soomaaliyeed, kadib markii aan arkay kala aragti duwanaan soo noqnoqotay iyo khilaaf soo noqnoqday iyo xariggii la ii geystay 30 January 2018, waxaan halkaan ka caddeynayaa inaan u tanaasulay shacabka reer Jubbaland iyo Hormarkooda, ayaa waxaan go’aansaday in aan iska casilo xilkii xildhibaannimo ee aan u hayey shacabka reer Jubbaland, gaar ahaan shacabka degmada Afmadow, waxaan ka shaqeynayaa mar walbo wax walbo oo hormarin kara shacabka Jubbaland” ayuu yiri Taajir.

Xildhibaanka ayaa shuruudihii lagu sii daayay waxaa ka mid ahaa inuu Warbaahinta la hadlo, kadibna uu shaaciyo inuu ka tanaasulay Booskii Xildhibaanimada ee muranka dhaliyay, isaga oo la hadlay Saxaafaddana wuxuu sheegay inuu ka tanaasulay Xildhibaanimada Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com