Sawirro Axmed Madoobe oo si ka duwan sidii loo soo dhoweyntii C/weli Gaas loogu soo dhoweeyay Muqdisho

Muqdisho(Caasimadda Online)–Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” ayaa galabta soo gaaray magaalada Muqdisho, isagoo diyaaraddii siday ay kasoo degtay garoonka Aadan Cadde.

Waxaa garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde kusoo dhoweeyay Axmed Madoobe wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan labada gole.

Axmed Madoobe ayaa qeyb ka ah madaxweyneyaasha maamulada gobolada ee soo gaaray Muqdisho kana qeybgalaaya shirka madaxda dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

Waxaa kasoo horeeyay Axmed Madoobe madaxweynaha Puntland C/weli Gaas oo saacado kaga soo hormaray garoonka Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com