Sawirro: Dowlada Somalia oo lagu wareejiyay Gaadiid nooca casriga ah

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Somalia ayaa gaadiid nooca casriga ah kala wareegtay dowladda Talyaaniga ee uu kala dhexeeyo xiriirka fog.

Gaadiidka lagu wareejiyay dowlada Somalia ayaa la sheegay inay yihiin laba gaadiid nooca gaashaaman ee casriga ah.

Gaadiidka ayaa waxaa lagu wareejiyay Wasaaradda Amniga Xukuumadda Somalia iyo Booliska, waxaana halkaa ku gudoomay Wasiiraka Amniga Xukuumada Somalia Maxamed Abuukar Islow.

Dowladda Talyaaniga ayaa deeqdaan Gaadiidka Gaashaaman Soomaaliya u soo marsiisay Ururka Midowga Africa, waxaana lagu biirin doonaa gaadiidkii uu Talyaaniga horay ugu wareejiyay Somalia.

Wakiilada ka socday Talyaaniga ee goobjooga ka ahaa wareejinta ayaa sheegay inuu socdo qorsho Somalia lagu soo gaarsiinaayo gaadiid hor leh.

Wadanka Talyaaniga ayaa kamid ah wadamada ay Somalia ka joogan ciidanka isla markaana kaalin weyn ka qaata isgarabtaaga Hay’adaha amaanka.