Dooni siday rar culus oo kusoo caarisay xeebta magaalada Boosaaso

Garoowe (Caasimada Online)-Sida ay wararku sheegayaan waxaa xeebta Magaalada Boosaaso Xarunta Gobolka Bari ee maamulka Puntland kusoo caariyey Dooni u rarneyd Ganacsato Soomaali ah.

Doonidan ayaa la sheegayaa inay soo food saartay cilad dhanka matoorka ah, waxaana la xaqiijiyay inay ka imaaday dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Saraakiisha maamulka ayaa sheegay in Doonida ay siday raashin iyo gawaari nooca raaxada ah, hase ahaatee ay sababsatay cilad.

Doonta ayaa ku dhex xumaatay badda dhaxdeeda, iyadoo xaaladeeda liidato ayeeyna soo gaartay Dakadda Magaalada Boosaaso, balse maamulka Dakadda Boosaaso ayaa diiday in Doontaan ay ku xirato dakadda, waxayna ugu dambeyn sababtay Doonta inay ku caariso aaga Nekfish, halka loo yaqaan.

Sidoo kale, kala bar agabkii saarnaa Doonida ayaa qaarkood dul sabeynaaya Badda, waxaana suuragal ah in inta harsan ay sii degto, waa haddii aan la helin gurmad.

Dhinaca kale, Maamulka Dekadda ayaa gurmad xooli ah u diray Doonida, waxaan iminka socda badbaadinta agabka badqaba.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com