Soomaalida iyo hunduuska maxaa ka dhaxeeya?

Dhibaatadeenu waa Zamanka (Goorta) waliba Tagtada. Wax walba oo hadda taagan, waxay xariiri la leeyihiin dhibaatooyin hore oo wali la gocanayo.

Soomali Land waxay u goosatay dulmi lagu sameeyay & gaf ay ka galeen qaranimadoodi kol hore, marki ay Koonfur ku biireeen & dhibkii uu Kacaanku u geystay (Tagto)

Gobolada dhexe, kuwooda dhaca Waqooyi bari & inta ku ehelka ah, waxay eed ka qabaan Dagaaladii sokeeyo ee Xamar looga qaxay,  waxey tirinayaan intaa oo balo ah(Tagto) waana midda Balaayada Federalka abuurtay. balo balaayo dhashay dheh..!!!!

Koonfurta Gobolada dhexe ilaaa Caasimadda Muqdisho, ayguna Taariikh fog oo cabburin Magac Dowladnimo ayeey sheeganayaan (Tagto) waana sababta loo diiday wax walba oo dan-wadaag noqon kara.

Koonfur Galbed ayagu waa haddaan Kooynay..!!! waxay qabaan in Xaquuqdooda Siyaasi horey loo dayacay, unaa jiro Dulmi ay ka tabanayaan Dadka dega Deeganaada Waqoooyi ka dhaca Muqdisho, kuwaa oo xukunka maroorsaday laga soo bilaabo Xonimadi ilaa maantadan (Tagto)

Intaa waxaa ka daran magacyada aan isku heyb soocno, waa Amwaat, waliba baaaliyoowday, waxeyse ku dhex nool yihiin ruuxdeena,  ayaga  dartoodna waa taan isugu dhammaanay (Tagto) waliba mid xanuun badan

Soomaalidu  Zamanka way ixtiraamaan, laaakin ma caabudaan sida hunduuska, waxaase hubaal ah in Zamanku yahay kan wax lagu goosoto, haddana wax la isugu dhimo. Marka waa suuuro gal in la isku xiro Soomaalida Maanta & Hunduuuska Magaca Qofka dhintay lafihiisa caabuda.

Fadlan ha yaabin, oo ha u arkin xad gudub, haddaan Soomalida ku tilmaamo Hunduus nooc kale ah. Tusaaele, Haddii nafti Allaah xarimay darteed Magac Qabiil loo dilo maxey noqon. Haddii xaquuq qof leeyahay sabateed loo duudsiiyo ayana maxaa  lagu fasiri.

Ogoow, Soomaalida sida  Muslimiin looga helo  ayaa Injiil & Towreet kuwa Yaqaana ama aaminsan looga helaa. sidoo kale waxaa jira Soomaali hunduuska wax la wadaagta, farqiga ayaa ah in Hunduusku ay Lafaha  weel ku ritaan oo ay caabudaan, halka  Soomaalidu aysan lafaha caabudin, laakin magaca qofka dhintay macnihiisa ayay Qalbiga gashtaaan, dartiisana waa tay wax isugu dhibaan, waxna isugu taraan. (waa Nin Reer hebel ah) Ogooow Hebel waa Odey waa hore dhintay, xaalkiisuna aan taariikhda qorin, kaliya waxuu ku qoran yahay Qaluuubta Kumanaanka Soomaali ee magacaa ku abtirsata.

Tagatadu hal mar ayeey ifa-faalo fiican qortaa, waa kolki qof xil hore loo sheegayo.  Madaxweynihii hore, Wasiiirkii hore, Taliyihii hore, Maareeyihii hore & waliba Saaxiiibkii hore, intuba marka ay xilka ka degaan ayeey sharaf & magac ku yeeshaan bulshada dhexdeeda.

W/Q: Mahdi Muse