C/Weli GAAS oo fariin culus u diray Farmaajo iyo Khayre

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynihii hore ee Puntland oo wareysi gaar ah siiyey VOA ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan sida ay shalay dowladda ula dhaqantay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu horreyn Gaas ayaa nasiib darro ku tilmaamay tallaabadaasi, wuxuuna sheegay in madaxdii hore ay mudan yihiin in la ixtiraamo, islamarkaana loola macaamilo si degan.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay madaxda dowladda federaalka, gaar ahaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre inay dajiyaan xaaladda siyaasadeed ee haatan ka jirta dalka.

“Waa ka xumahay runtii waxa dhacay, horayna u dhacay, maantana dhacay waa nasiib darro, Madaxweynayaasha dalka ayay soo xukumeen, in la ixtiraamo ayay mudan yihiin qof kasta oo soomaali ka mudan yihiin, waqti adag bey wadankaan u soo shaqeeyeen oo Madaxweynayaal u soo ahaayeen.”ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu dambeyn wuxuu dowladda kula taliyey in ay keento qorshe lagu xasilin karo xiisada jirta hadda, si loo yareeyo shidada haatan taagan iyo is mari-waaga siyasaadeed ee u dhexeeya madaxda dalka iyo mucaaradka.

“Sideedaba haddii aniga siyaasadda wax un ka bartay Soomaaliya, waxa weeye wadanka haddii ay shido jirto, shidada jirto waa la yeeraa, haddii ay badan tahay waa la yareeyaa, haddii ay yar tahay waa la baaba’iyaa, laakiin maalin walba shido cusub la abuuro oo aan horay u jirin oo gacmahaga ku falkisaa adiga ayay dib kugu soo laabaneysaa dhib ayay keeneysaa dalka u keeneysaa, maamulkaagana u keeneysaa”ayuu yiri C/weli Gaas.

Shalay ayey markale is qabteen madaxda dowladda iyo Madaxweynayaashii hore ee dalka oo booqasho ku tegay Beledweyne, inkastoo dowladdu lagu eedeeyey in ay siyaasadeysay socdaalkaasi oo sababay xiisado hor leh oo u dhexeeya labada dhinac.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com