C/weli Gaas oo ka horyimid go’aankii uu Deni ka qaatay SHIRKA Dhuusamareeb 3

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiweli Gaas ayaa si weyn u naqdiyay diidmadii madaxweyne Deni ee shirka Dhuusamareeb-3, oo ka furmay caasimada Galmudug, iyada oo ay ka maqan yihiin Jubbaland iyo Puntland.

Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in xiligan aysan munaasib aheyn khilaaf cusub, maadama arrimo masiir ah looga hadlayey shirka Dhuusamareeb-3 oo ka dhashay shirkii hore ee dowladda federaalka iyo maamul goboleedyadu ay wada-yeeshen.

Gaas ayaa ka horyimid qaadacada Deni ee shirkaasi, iyada oo Puntland ay Madaxda Dowladda Federaalka ku eedeysay inay ka shaqeeyeen fashilinta natiijadii Dhuusamareeb 1 iyo 2 iyo qorshahii qabsoomidda Dhuusamareeb-3.

Saciid Deni ayaa qaba in madaxweyne Farmaajo uu magacaabo Ra’iisul Wasaare qayb ka noqda fulinta heshiisyada qabsoomidda doorashooyinka Dalka ee 2020/2021.

Cabdiweli Gaas ayaa isagu qaba mid taasi ka duwan, isla markaana u arka go’aanka Deni mid aan xiligan habooneyn, maadama uu gebi ahaanba qaadacay shirweynaha Dhuusamareeb oo la filayay in heshiis loo dhan yahay looga gaaro khilaafka doorashooyinka.

“Madashaasi waa madal aan laga maqnaan kareyn, qofka dhibaato caafimaad ama dhibaato weyn mooye, laakiin in la qaadaco oo la tagin waxay ila tahay wax aan sax aheyn,” ayuu yiri Gaas oo u waramayey Barnaamijka Daba-galka ee Universal Tv.

Wuxuuna intaas sii raaciyay “Deni waa inuu ka qeyb-galo shirweynaha Dhuusamareeb”.

Gaas ayaa Deni ku dhaleeceyay go’aankaasi, oo uu ku tilmaamay mid xiligan aan ka turjumeyn danta Shacabka, inkasta oo uu qiray diidmadiisa ku aadan qorshaha qalafsan ee Villa Somalia.

Puntland ayaa 16-kii bishan August si rasmi ah u shaacisay inay qaadacday shirka Dhuusamareeb-3 ee ka furmay magaalada Dhuusamareeb, ayada oo eedeyn culus usoo jeediyay madaxda dowladda fedeaalka, iyadoo ku xirtay shuruudo adag si ay uga qeyb-gasho shirkaasi.